JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Bishaareyso.. Noloshaada Ayaad Ku Guuleysatay Markii Aad Ku Dhacday Imtixaanka Dugsiga Sare!

“Guusha waa inaad fashil ka gudubto oo mid kale aad u gudubto, adigoon is dhiibin.”

Aadanaha waxa laga rabaa inuu waajaho duruuf kasta oo dhanka nolosha ka soo waajahada, mararka qaar wuu guuleystaa qofku, xilliyada qaarna wuu fashilmaa. Waxaa muhiim ah inuu tijaabooyinkaa ka faa’ideysto, fashilkana uu ka gudbo si kasta oo uu u soo laalaabto si uu guulo wax ku ool ah uu u gaaro.

Qormadeenan waxey ku jihaysan tahay ardaydeenna ka qalinjabineysa dugsiyada sare, kuwaas oo waajahaysa maalmaha noloshooda ugu dhibaatada badan, waa xilliga mustaqbalkooda la qorsheynayo, laakiin kuwa baasa weyba baaseen oo wey faraxsan yihiin, kan dhaca se, waxaa waajib ku ah inuu mar kale galo tijaabo guuleysata.

Guul fashil la’aan timaaddaa ma jirto

Ardaydeena qaaliga ah ee imtixaanka dugsiga sare ku fashilmaa, waxaa ka digtoonaataan quusta iyo inaad dib u gurataan, yoolkiina iyo mustaqbalkiinna yaaney arrintaasi caqabad ku noqon, mar kasta mustaqbalka ifayaa wuu ku horyaalla, fashilku ceeb maaha iyo nuqsaan shakhisyadaada ku jirta, waxaa khalad ah inaad fashilka shumaca kuu ifay aad ka dhigato, sidii iney adduunyadu soo afmeerantay oo kale.

Ardaygeenna sharafta lahow, dhicitaankaagagu kama dhigna inaad ka garaad yar tahay saaxiibadaada baasay ama ay kaa nasiib badan yihiin, waxaa meesha yaalla oo qura in adiga uu gaabis kugu jiro adiga oo keenay in lagaa hormaro.

Haa, Waa tijaabo aan marnaba ku fududeyn agtaada, waa xilli adiga iyo ehelkaagaba ku adag, markii ay ogaadaan inaad dhacday, dareenkaa qofka uu soo maray ayunbaana dareemi kara, u caddee dadka kugu hareeraysan inaadan u qalmi dhicitaanka, u sheegay iney tahay kufid yar oo aad ka gudbi doonto oo aan dib dambe u soo noqon doonin. Waxaad ogaataa khubada cilmiga ee daahrogyada waayen sameeyaa inaaney maalin kaliya sidaas ku gaarin, khaladaad badan ayey horey u galeen, laakiin wey ka faa’iideysteen oo wadadii ay ku fashilmeen wey iskaga hareen, waxeyna yiraahdaan “Marka aad fashilanto waa marka aad is-dhiibto.”

Shakhsiyaad Fashilkooda hal-abuur u bedelay

Taariikhda waxaa laga helayaa tusaalooyin badan shakhsiyaad ku caanbaxay go’aan adayg, dulqaad, joogteyn, kuwaas oo go’aansaday iney xaqiijiyaan natiijo adduunka oo dhan yaab geliyay, tusaale lagu dayan karo waxaa ah “Tomas Edison”, oo yaraantiisii mashaakil badan la kulmay  oo dhago culeys uu ka mid yahay, waxbarashada ayaa ku adkeyd marka loo eego saaxiibadiisa ay iskuulka isla dhigtaan, laakiin arritaansi caqabad marnaba kuama aaney noqon inuu meelsare gaarana kama aaney horistaagin, waxbarashada isagaa is baray, iyadoo ay hooyadii garab joogto, waxa uu ka mid noqday hal-buurka ugu wanaagsan taariikhda, waxa uu soo hindisay layrka korontada aan iftiinsanno.

Tasaalaha caalimkan ulamajeedno inaan sidiisa oo kale noqonno, laakiin waa inaan waayo aragnimo kala soo baxno oo aan aaminno inaan mar un gaari doonno hadafkeenna nolosha si kasta oo ay xaaladdu u adag tahay.

Inaad garato sababaha fashilka waa tallaabada koowaad ee aad kaga gudbeyso:

Waxa lagaa doonayaa inaad sii qorsheyso iskuday aad fashilka kaga gudbayso, fikradaha khaldan oo dhan ka fogow, maskaxdaada marnaba ha gelin inaad tahay qof fashilmay, awoodaha aad haysto ku kalsoonow,  marnaba kama xaalad hoosaysid saaxiibadaada guuleystay. Dib iskugu laabo baar sababihii fashilka kuu keentay iyo halka ay wax ka khaladan yihiin. Sababaha fashilka lagula dagaallo waxaa ka mid ah in sababihiisa aad ogaato, haddii aad ka dhowrsato sababaha fashilka waxaa hubaal ah inaad guuleysaneyso.

Talooyinkan Sahay Ka Dhigo

  • Waqtigaaga nidaami sida kuugu habboon, naftaada ha daalin, hana gaabin.
  • Natiijooyinkaaga dib u dheeho, sababah dhicitaanka dib u eeg, si ay kuugu suuraggasho inaad hesho maaddooyinka aad u baahan tahay inaad iska dhisto.
  • Waqti gaar ah u same arrimaha kugu adag, qof kaa wanaagsan inaad kaashato mushkilad maaha arday iyo macallin labadaba.
  • Ha fududeysan manhajka aad wax ku bareyso mowduuc ka mid ah, ilo kale oo aan buugga ahayn ha u laaban.

Ugu dambeyn, fashilku waa meesha dhiiriggelinta ugu badan laga helo, qofka guuleystaha ah waa kan fashilkiisa ka gudba iskudaygiisina aan ka daalin. Ogow dadka oo dhan iney leeyihiin hal-abuur oo ay awoodaan iney guulo gaaraan, tijaabada dhicitaanku ha kuu noqoto tallaabadaadii kowaad ee Guusha.

FG: maqaalka waxaa qoray qoraa Carbeed oo la yiraahdo “Waa’il Suleymaani”, waxaa idiin tarjumay Khadar Xuseen Gebilay oo ka tirsan Maandeeq FM.

Maandeeq FM

Related Articles

Close