WararkaWaxbarashada

Natiijada Imtixaanka “F4” Puntland oo La Shaaciyay & 10-ka Arday ee Ugu Darajada Badan Sanad Dugsiyeedka 2017/2018

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa maanta qabatay munaasabad balaaran oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan masuuliyiinta Wasaaradda waxbarahsada iyo Tacliinta sare oo uu ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda Prof, Abshir Yuusuf Aw-ciise, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dr, Maxamed Cali Faarax, iyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Yaasiin Cabdi seed Agaasimaha Waaxda imtixaamaadka Axmed Maxamud Warasame iyo dhamaan Bahda Waxbarashada Puntland, waxay ku shaacisay imtixaankii Fasalka 4-aad ee dugsiyadda sare ee Puntland.

Axmed Maxamuud Warsame Agaasimaha Waaxda imtixaaamaadka oo ka hadlay marxaladihii uu soo maray imtixaanka maanta la shaaciyey wuxuu sheegay in sixitaanka imtixaankaan uu qaatay mudo bil ah loona xilsaaray macalimiin iyo khubaro aqoon durugsan u leh sixidda imtixaanaada, laguna bixiyey juhdi fara badan sidii arday walba u heli lahaa cadaalad ku salaysan aqoontiisa, gabagabadiina natiijadi maanta noqotay in lagu dhawaaqay.

Ugu damayntii Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare Prof- Abshir Yuusuf Aw-ciise ayaa soo gabagabeeyey War-saxaafadeedka wuxuuna u hambalyeeyey dhamaan ardadi sanadka ka qalin jebiyey dugsiyada sare ee Puntland, wuxuuna kula dardaarmay in ay sii wadaan wax barashada dadaalkoodana sii laba jibraanaan, sidoo kale wuxuu goobta ka akhriyey 10-kii arday ee ugu saraysay ee ka qalin jabisay dugsiyada sare ee Puntland.

Hoos ka akhriso 10 ka Arday ee ugu sarraysa imtixaanka Fasalka 4-aad ee Dugsiyada sare ee Puntland.

By:Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare

10 ka Arday ee ugu Sarreysa sanad dugsiyeedkan 2017/2018

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close