WararkaWaxbarashada

Prof. Yaxye Caamir: Aqoonyahan 5 Qaaradood Ku Mara Passport Soomaali Ah!

Prof Yaxye Caamir Waa aqoonyahan cajiib ah, maanta ayaan ku sagootinnay Oslo isagoo soo aaday halka uu dagan yahay oo ah Muqisho.

Qudbadiisa waxaa iga cajabiyey inuu safarro kala nuuc ah uu ku tagey shanta Qaaradood ee Adduunka iyo Weliba shanta dal ee dunida ugu awoodda badan, isagoo isticmaalaya Somali Passport, intii uu dalkeennu burbursanaa 27kii sano ee ugu danbeeyey.

Markii la weydiiyay sidey macquul ku noqon kartaa oo ay kaaga ogolaadeen maadaama aysan aqoonsaneyn wuxuu yiri “Inta badan waxaan u safraa inaan casharro kasoo jeediyo Jaamacado ku yaalla wadamadaas iyo inaan kaga qeybgalo shirar caalami ah, marka iyagaa isoo dalbada anugana waan u sheegaa weyna ogyihiin inaan daganahay Muqidsho oo Passport Somali un haysta, kadib iyagaa ku qasban bay ii soo diraan Visaha sidaas ayaana ugu tagey Washington, London, Mosco, Paris, Tokyo, Sydney, Roma, Asiya, Afrika, Yurub, iyo Amerika. Ugu dambeyn waa inagan idinla jooga Oslo oo waa kaa aad aragtaan kunai mid”, ayuu yiri Proff Yaxye oo kor u haya Somali Passport.

Waxey taasi ku susineysaa in qofkii loo baahan yahay fadhigiisa loogu imaanayo, Professor Yaxye Halyey kor u qaaday aqoontiisa, qiimihiisa, dadnimadiisa, waxaan leeyahay Allaha ku xafido oo kuma tuso wax ku dhiba Aftahan Aqoon badan.

FG:Qoraalkan waxaa xuquuqdiisa iska leh Hussein Mohamed Iyay oo bartiisa twitter-ka soo dhigay isagoo jooga Oslo:

Maandeeq FM

Related Articles

Close