WararkaWaxbarashada

Wax Ka Baro.. Caalimka Muslimka ah ee Cilmiga Xisaabta .. Mareykanka Waxaa Looga Yaqaannaa “Boqorka Integral-ka”

Dr. Ali Abdullah Al-Daffa waxa uu ka mid yahay culumada-xisaabta ugu xariifsan ee casrigan aan joogno nool, waxaa gacantiisa wax ku baratay kumaan arday oo heer caalami ah oo ay ku jiraan ardayda Jaamacadda Boqor Fahd University ee baatroolka iyo macdanta, Jaamacadda Bqoror Saud University iyo Jaamacadda Harvard oo aan wada naqaanno iney ka mid tahay jaamacadaha Adduunka ugu tayada fiican.

Dr. Ali, waxa uu kaalin libaax ka qaatay dejinta manhajka Sucuudiga, manhajka xisaabta isagaa si gaar ah u dejiyay 40 sano ka hore, sidaas oo kale maktabadaha waxaa yaalla 49 buug oo intooda badan uu kaga hadlayo cilmiga xisaabta, culumada xisaabta ee gudaha dalka Mareykaka waxa ay u yaqaanaan naaneysta ah “Boqorka Integral-ka”, qeyb ka mid ah xisaabta oo ay ugu magac dareen.

Hooyadii Ayaa Ahayd Dhiirigeliyihiisii Koowaad

Dr. Ali oo wareysi gaar ah siiyay “Al-Arabiya.net” ayuu ka sheekeeyay noloshiisa bilowgeedii  hore,  waxa uu ku dhashay meesha la yiraahdo Caniiza ee dalka Sucuudiga, waxa uu sheegay in hooyadii ay ka tartarsiin jirtay inuu kor u qaado codkiisa marka uu xallinayo su’aalaha yaryar ee xisaabta, waxeyna u sheegi jirtay iney garab siin doonto marka ay su’aali ku adkaato.

Dr. Ali waxa uu yiri: “Waxwalba oo hooyo iga dalbato waan u yeeli jiray, waxa igu adkaadana iyada ayaan ula laaban jiray wayna ii xallin jirtay, waxaan xasuustaa sida ay hooyaday ugu dhibaatoon jirtay sidii aan quud ku heli lahaa, waxey ahayd markaa 70-sano ka hor.”

Waxbarashadiisa

Dr. Al-Daffa waxa uu dugsiga sare kaga baxay darajo aad u sarreysa, kadib waxa uu u baqoolay dibadda, heerkiisa koowaad ee jaamacadda ee Bachelor waxa uu ka qaatay jaamacadda gobolka Austin ee gudaha dalka Maryekanka sanadkii 1967-dii, kadib waxa uu masters degree ka qaatay jaamacadda Texas sanadkii 1968, Ph.D. waxa uu ka qaatay jaamacadda Vanderbilt ee isla gudaha dalka Mareykanka, kadib waxa uu ku soo noqday dhulkiisa hoose ee Sucuudiga waxa uu ka howlgalay jaamcadda Boqor Fahd ee shidaalka iyo macdanta, waxa uu ku caan ahaa inuu gebi ahaanba diidi jiray jagooyinka maamulka, kadib markii uu boqor Saud uu ka qaaday ballan ah in uu macallin sii ahaan doono, iyadoo ay jirto in loo dhiibay xilka maamulka qeybta xisaabta iyo kan qeybta Sayniska ee jaamacadda boqor Fahd sanadkii 1974.

Sanadkii 1980 waxa uu macallin xisaabeed ka noqday jaamacadda boqo Saud ee gudaha Riyadh ku taalla, sidaas oo kale waxa uu casharro ka bilaabay jaamacadda Harvard, waxaa loo doortay madaxa ururka Carabta ee Xisaabta iyo Fisikiska labo jeer, waxa uu allifay 49-buug oo illaa maanta loogu noqdo xisaabta.

Ugu dambeyn, waxa uu macallin ahaa 37-sano, waxaanuu howlgab noqday sanadkii 2008, waxa uu hadda ku nool yahay kolba xaaladdiisa caafimaad sida ay u saamaxdo, kadib markii ay da’diisu ka sii gudubtay 80-jir.

Maandeeq FM  

Related Articles

Close