WararkaWaxbarashada

Halka Arday Kastaa Uu Ka Eegan Karo Natiijada Imtixaankii Midaysanaa ee “F4”

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya waxey habeennimadii xalay soo saartay natiijada imtixaankii midaysnaa oo dhammeystiran oo ay xitaa ku jiraan ardaydii Beledweyne ee imtixaanka ka dib dhacday oo sixitaanka imtixaanka lala sugay sida muuqata.

Wasaaraddu waxey tiri: “Soo Bandhigista natiijada Imtixaanka waa wejigii ugu dambeeyay ee imtixaanka, kaas oo ka dhigan in la soo gabagabeeyay imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2017/2018.”

Halkan Guji si Aad u ogaato natiijada aad Ka Keentay Imtixaanka midaysan ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Maandeeq FM

Related Articles

Close