WararkaWaxbarashada

Somaliya iyo Ereteriya oo Isdhaafsanaya Fursadaha Waxbarashada Iyo Tan Dhaqan

War-saxaafadeed ka soo baxay Villa Soomaaliya oo looga hadlay Heshiis dhax maray Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa lagu xusay in heshiiska uu ka mid yahay qodobbo taabanaya waxbarashada iyo dhaqanka.

Qodobka 3aad ee heshiiska ayaa dhigaya:

“Labada dal waxay yagleelayaan xiriir diblomaasiyadeed iyaga oo is dhaafsanaya danjireyaal, sarena u qaadaya ganacsiga iyo maalgashiga dhexdooda ah, sidoo kalena isweydaarsanaya fursadaha la xiriira waxbarashada iyo dhaqanka.”

Si kastaba, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Ereteriya oo uu ku tagay casuumaad rasmi ah oo uu u fudiyay madaxweynaha dalkaasi ee Isaias Afwerki.

Maandeeq FM

Related Articles

Close