WararkaWaxbarashada

Madaxweyne Muuse Biixi: Horumar oo Dhan Waxa uu Ku Xiran Yahan Hadba Dal Sida uu U Maareeyo Waxbarashadiisa

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qeybgalay daahfurka mashuuca hirgelinta qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland isagoo si gaar ah hoosta uga xarriiqay muhiimadda ay waxbarashadu leedahay.

Mashruucan oo loosoo gaabiyo GPE(Global Partnership for Education), ayaa ah mashruuc horumarineed oo deeq bixiyeyaasha caalamku ay ku caawiyaan wadamada heerkooda waxbarasho uu hooseeyo.

Mashuuraca fulintiisa iyo dhanka maaliyadda waxaa Somaliland kala shaqeeysa hay’adda Save Children International.

Hadaba, Munaasabad si weyn loosoo agaasimayay oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ee Somaliland ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qeebgaya madaxda wasaaradda waxbarashada, xubno ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo madaxweyne Muuse Biixi oo furintaanka mashruucan looga fadhiyay inuu daahfuro.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland ‘Faratoon‘, oo hadal jeedin ka sameeyay xafladda ayaa ka hadlay muhiimadda mashruucan u leeyahay waxbarashada Somaliland:

“Mudane madaxweyne mashruucan GPE-gu waxa uu ahmiyada saarayaa dhanka; tababarka macallimiinta, kobcinta dugsiyo farsamo gacmeed ah, qalabaynta goobaha waxbarashadda iyo dayactirka dugsiyada, ka jawaabista waxbarashadda xaaladaha degdega ah ee ay keenaan abaaraha iyo masiibooyinka dabiiciga ahi iyo maamulka iyo maaraynta hawlaha waxbarashadda. Mudane madaxweyne weli waxbarashaddu may helin miisaaniyad ku filan oo ay ku wada daboosho baylahda waxbarasho ee dalkeena ka jirta sidaa darteed waxa lagama maarmaan noqaotay in aan hadba karaankeena geediga rarno anaga oo sida ay u kala mudan yihiin u eegayna.”

Dhanka kale, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u daahfuray mashruucan isagoo sheegay in horumarka dalka uu ku jiro horumarinta waxbarashadiisa:

“Waxan idinla qaatay in waxbarashada la tayeeyo maadaama oo dhammaan horumar oo dhammi ku xidhan yahay hadba sida dal waxbarashadiisa u maareeyo ama u horumariyo. Dalkeena dhaqaalihiisa oo kooban awgii waxbarashaddu may helin weli wax ku filan oo ay ku wada daboosho baahiyaha jira, haddana uga hadhimayno dhaqaale nagu filan mahayno’e waanu ku dedaalaynaa in aan gaadhno halka qayrkayo gaadhay, idinkana waxa la idiinka baahan yahay in aad taa maanka ku haysaan oo ay daan ka caajisin hawlaha aad qaranka u haysaan.”

Si kastaba, Mashruucan waxaa ku baxaya $10.6 milyan oo dollar, laakiin si hor dhac ah waxa lagu bilaabayaa $8.6 milayn oo dollar, waxaa loogu talagalay horumarinta tayada iyo kaabayaasha waxbarashada.

Maandeeq FM

Related Articles

Close