WararkaWaxbarashada

5 Arday oo Switzerland u Dhashay oo Daahrogay Nimaad Cusub oo Lagu Xakamayn Karo Dallaayadaha Hawada

Shan arday oo ka tirsan kulliyadda Engineering ee magaalada ee “Lausanne” ee dalka Switzerland, ayaa horumarin ku sameeyay nidaam awood u leh xakameynta dallaayadaha buunfinka ah ee loo yaqaanno “hot air balloon” ee gaadiid ahaanta loo adeegsado, oo ay u badan yihiin dalxiisayaasha dalal badan oo dunid ka tirsan, qalabka ay daahrogeen ayaa si heersare leh u diiwaangelinaya 30-ilbiriqsi ee kasta xaaladda jawiga kolba sida ay tahay.

Ardaydan ayaa tijaabadoodii koowaad ku sameeyay iyagoo hawada sare u diray buufin laga sameeyay helium, kaas oo gaaray illaa 30km dusha sare ee badda “Lehman”,  oo lagu rakibay matoor xambaarsan aalad macluumaadka si heer sare ah u soo gudbineysa.

Tijaabadoodii koowaad si guul ah ayey ku soo dhamaatay, laakiin matoorkii ay isticmaaleen oo awooddiisu ay yarayd darteed; ayaa loo baahday in tijaabo labaad ay galaan bisha September si matoor kii hore ka xoog badan loogu tijaabiyo halka uu gaari karana loo eego.

Si kastaba, aaladdan hot air balloon-ka ayaa sanad kasta waxaa ay dhibaato ka soo gaartaa dad saaran oo jawiga oo xumaada dartii ku dhibaatooba.

Maandeeq FM

Related Articles

Close