arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Mayd Dib U Soo Noolaaday oo Galaaftay Nolosha Imaamkii Mayristiisa u Xilsaarnaa

Tuulo ku taalla hareeraha Marrakesh ee koonfurta Morocco ayaa dhacdo layaab badan ay ka dhacday, kadib markii mayd la dhaqayay ay naftu ku soo noqotay, halka imaamkii dhaqistiisa ku howlanaa ay naftu daysay oo wadnuhu uu istaagay.

Sida ay qoreyso warbaahinta Morocco, sheekadu waxey ku bilaabatay iyadoo salaadda Jimcaha lagu gudaha jiro ayaa waxaa miyir daboolmay qof daganaa tuulada jamaacada Atawiyah ee raacsan gobolka qalcadda al-Saraagna, kadib isbitaalka dhexe ayaa loola cararay si halkaa loogu dabiibo.

Baaritaankii ayaa lagu ogaaday inuu dhintay, qaraabadiisa ayaa la guddoonsiiyay warqaddii caddeynta dhimashadiisa, waxaana loo ogolaaday iney meydkooda aastaan.

Warbaahintu waxey intaa sii raacinayaan in imaamkii masaajidka uu dhaqistiisa si gaar ah uu iskaga xilsaaray, intii dhiqistiisa lagu gudo jiray ayuu soo baraarugay, laakiin imaamkii ayaa wadnuhu istaagay lama filaankii uu la kulmay oo uu xamili kari waayay darteed kadibna wuu geeriyooday.

Isla shaqsigii dhakhaatiirtu ay xaqiijiyeen inuu geeriyooday ayaa imaamkii mayray oo janaasadiisii wax ka raacay!.

Maandeeq FM

Related Articles

Close