WararkaWarbixinnoWaxbarashada

Cabashada Ardayda oo Hadheysay Kulankii Ra’iisul-wasaare “Khayrre” uu La Qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan

Midawga ardeyda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan ayaa cabasho u gudbiyay Ra’isul-wasaare Khayrre oo ka qeybgalay xafladda soo dhaweyn ah oo ardayda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Suudan ay u sameeyeen Ra’isul-wasaaraha iyo wefdi uu hoggaaminayay oo booqasho rasmi ah ku gaaray dalkaas.

Arday ku hadlayay codka arday ka cabadneysa dhaqanka safaaradda Soomaliya ee dalka Suudaan ayaa isagoo qiireysan si mug leh uga hadlay dhibaatada ardayda ee safaaradoodda ay kala kulmaan, waxaa hadalladiisii ka mid ahaa; In marka wasaarada waxbarashadu ay ardeyga keento dalkan suudaan la laga bedelo deeqihii waxbarashada ee markii hore lagu kaxeeyay,  waxaa ay Ra’iisul-wasaaraha ay ka codsadeen in shaqalaha safaaradda oo dhan la bedelo, waxaa hadalkiisii ka mid ahaa: “Mudane Ra’iisul-wasaare maadaama aad hadda joogto waxaan kaa codsaneynaa in aad wada bedesho shaqaalaha safaaradda oo dhan”

Arrimahan oo kale waxa ay ka dhacaan dadalka Soomaaliya deeqaha waxbarasho siiya dhammaan oo lagu takrifalo deeqihii ardayda meel aan loogu talogalinna la marsiiyo.

  Tusaale ahaan, dalka Yemen  intii uusan qalalaasuhu ka dhicin ee arday badan oo Soomaaliyeed ay deeqo waxbarasho ka heli jireen ayaa ardayda qaar musuqmaasuq kala kalmeen safaaradooda oo sida ay doonto ugu tagrifalaysay deeqaha waxbarasho ee Soomaaliya la siiyo.

Xasan Cabdi Maxamed oo minxo masters degree ah laga musuqmaasuqay ayaa Maandeeq FM u sheegay: “Aniga oo ah Xasan Cabdi Maxamed  oo wax ku soobartay dalka yemen gaar ahaan magaalada Cadan kana baxay jaamacadda Cadan waxaa waxbarashadayda Bachelor-ka ku qaatay deeq waxbarasho ,  markii aan soo dhameeyay waxbarashadayda heerka koowaad waxaan helay waxbarashada Masters ah, laakiin nasiib xumo waxaan musuqmaasuq kala kulmay mas’uuliyiintii   xiligaas 2012 joogtay safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Yemen, iyada oo si bareer ah loo lumiyay warqadihii aan ku helay deeqda jaamacadda, sababtuna waxa ay ahayd in aan  bixin waayay laaluush, sidaasna waxaan ku waayay waxbarashadaydii oo waxaan ku soo laabtay dalkayga hooyo.”

Sida ay qortay warbaahinta dowladda August 7, 2018, Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayrre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Suudaan ayaa la kulmay ardayda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan, kulanka ayaa diiradda lagu saarayay horumarinta hay’adaha kala duwan ee dowladda, kobcinta dhaqaalaha, sare u qaadista ammaanka, cadaaladda, la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo qabyaaladda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close