arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Gabar Yaxaas Weyn La Dabbaaldegaysa Isla Maalintii Qalin-jabinteeda Jaamacadda! (Muuqaal)

Arday jaamacadeed ayaa waqti fiican la qaadatay Yaxaas weyn oo ay ku booqatay isagoo ku sugan balli ku yaalla gobolka Taxis ee gudaha dalka Mareykanka, iyadoo u dabbaaldegaysay munaasabadeedii qalin-jabinteeda jaamcadda.

Ardayddan oo la yiraahdo Mackenzie Noland oo 21 jir ah ayaa isla sawirtay yaxaaska oo dhirirkiisu yahay 4-mitir, isla maalintii qalin-jabinteeda jaamacadda ee kulliyadda Noolaha badda oo ay ku takhasustay.

Mackenzie ayaa makhluuqan ku booqatay goob uu ku sugnaa oo ay ku noolyihiin 450 yaxaas iyo xamaaratooyin kale oo waaweyn, yaxaaskan ayaa gudaha Taxis looga yaqaannaa “Big Tex“.

Big Tex waxa uu ku caan yahay weyninkiisa ciddii aragtaa ay ka argagaxeyso, waxaana laga soo qabtay webi goobta lagu xanaaneynayo ka ag dhawaa sanadkii 2016, kadib markii looga cabasaday inuu khatar geliyo nolosha dadka doomaha ku maraya webiga.

Gabadhan ayaa ka hadashay saaxiibtinimada kala dhaxeysa “Big Tex”, taas oo bilaabatay aragtidii koowaad markii ugu horreysay ee ay booqato May, 2018.

Gabadhan ayaa tiri, marka aan ugu yeero magaciisa si degdeg ah ayuu iigu yimaaddaa, dadkalena wuu ka yaqaannaa marka ay balliga soo gasho, wey quudisaa weyna la ciyaartaa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close