CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

(7) Sababood oo Dadku Inta Badan Ay u Dhintaan.. Siyaabaha Looga Dhowrsan Karo

 

Waa maxay sababaha ugu badan ee dadka dunida ay u geeriyoodaan? Dagaallada, shilalka gaadiidka mise dambiyada, maya, sababahaas oo dhan maaha kuwa ugu badan ee geerida keena.

Warbixin dheer oo arrintan uu ka diyaariyay joornaalka Business Insider ee dalka Mareykan ka soo baxa ayaa looga hadlay sababaha ugu badan ee ay dada dunidu u geeriyoodaan ee ugu shaacsan iyo siyaabaha looga dhowrsan karo.:

  1. Cudurrada Kalyaha: Tusaale ahaan, ku dhaawad 10% dadka Mareykanka waxay la dhibaatooynayaha cuduradda kalyahay, qofkii cudurkaasi uu ku dhaco waa inuu bilaabo tallaabooyin uu kula tacaalayo inta aaney xaaladda meel xun oo halis ah aaney gaarin.
  2. Caajiska: Qofka howlqabadkiisa jirku uu yahay ee caajiska badan 20-30% waxaa gaarsiisan fursadaha inuu xilli hore geeriyoodo, si arrintaa looga dhowrado waa in shaqo jireed uu qofku qabto, sida; soco muddo aan ka yareyn 150-daqiiqo Isbuucii.
  3. Kolestaroolka xun: Saddex meelood meel kiisaska cudurrada wadnaha waxaa u sabab ah kolestaroolka sare. waxaa looga dhowrsan karaa cunno caafimaad oo la cuno iyo heerka kolestaroolka oo 5 sanaba mar la iska eego.
  4. Cudurka Sonkorowga: Heerarka sonkorta dhiigga ee sarreeya waxey keeni kartaa in qofka uu ku dhaco cudurka sonkorowga(macaanka) iyo mushkiladaha wadnaha ee khatarta ah, si arrintaa looga dhowrsado qaado raashin sonkortu ku yartahay, biyaha cabistaaduna ha badnaato.
  5. Buurnida: dhakhaatiirtu inta badan waxey isku xiraan buunida, cudurrada wadnaha iyo xididada dhiigga iyo sonkorowga iyo weliba qaar ka mid ah kansarka, si qofku uu uga dhowrsado waxa laga rabaa inuu dhaqaaqa badiyo, cunno caafimaadna uu qaato oo sonkortu ku yar tahay si jirkiisa uu u fiicnaado una qurux badnaado.
  6. Cadaadiska dhiigga ee sarreeya (High blood pressure): 3 qof ee qaangaar ahba mid ka mid ah ayaa qaba, sidaa darteed; waxaa lagama maarmaan ah inaan yareynno heerka sodium-ka dhiigga baaritaan joogtaha oo dhanka dhiigga ahna la sameeyo.
  7. Sigaar cabista: 5 qof ee kasta qof ka mid ah waxa uu u geeriyoodaa sigaar dartii, waxaa si sahlan looga gudbi karaa saameyntiisa taban kadib marka uu qofku iska joojiyo cabistiisa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close