arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Caalimkii Allifay Kitaabka “Minhaaj Al-Muslim” oo Geeriyooday

Arbacada maanta ah waxaa geeriyooday Caalimkii Sheekh Abu-Bakar Al-Jasa’iri oo ka mid ahaa macallimiintii ugu horreysay ee Jaamica al-Islaamiya ee magaalada Madiina wax ka dhigtay, waxa uu alifay kitaabka “Minhaaj Al-Muslim”, waxaanuu ku gaariyooday da’da 97 sano jir, markii in muddo ah uu cudur la dhibaatoonayay.

Sida warabaahinta Sucuuidga ay qortay, caalimku sanadkii hore ayaa waxaa ku dhacay caabuq dhanka sambabaha ah, waxaana lagu aasi doonaa qubuuraha al-Baqiic.

Abu-Bakar Jaabir Binu Muusaa binu Cabdulqaadir Aljasaa’iri waxa uu dhashay sanadkii 1921, waxa uu ku dhashay tuulo ku taalla Liwa ee gobolka Biskra ee koonfurta Algeria, waxa uu ku barbaaray agoonnimo deegaan lama dagaan ah oo ahlu-ddiin ay dadku u badan yihiin.

Waxbarashadiisa waxa uu ka bilaabay xifdiga Qur’aanka Kariimka ah iyo qaar ka mid ah kutubta Luqadda iyo Fiq’higa Maalikiga, kadib waxa uu aaday magaalada Biskara oo uu halkaa ku qaatay qaar ka mid ah culuumta diinta iyo midda caqliga ee madiqu uu ka mid yahay.

Muddo ka dib waxa uu u guuray dhanka caasimadda Algiers, waxa uu wax ka bartay Cali al-Tayeb al-Caqbi, waxaana uu xaalkiisu ku nagaada madarasada Abdul Hamid bin Badis, kadib waxa uu u safray Sucuudiga, waxa uu wax ka bartay Cumar Berri, Maxamed al-Haafid, Maxamed al-Khayyal iyo Abdul Azizi bin Saleh.

Sanadkii 1961 ayuu shahaadada sare ka qaatay kulliyadda Shareecada ee Jaamacadda Riyadh, halka ay garsoorku u ogolaadeen inuu macallin ka noqdo Masaajidka Nabiga NNKH ee magaalada Madiinna.

Bilowgii hore ee uu Sucuudiga gaaray sanadkii 1953 waxa uu ka shaqeeyay waxbarashada, iskuullaad qaar ee raacsan wasaaradda waxbarashada Sucuudiga, Xadiiska ayuu ka bilaabay magaalada Madiina al-Munawara, waxa uu macallin ka noqday jaamacadda al-Islaamiya ee magalada Madiinah al-Munawarah laga soo bilaabo 1960 ilaa 1986.

Maandeeq FM

Related Articles

Close