WararkaWaxbarashada

Carwada Buugaagta ee “Mogadishu Book Fair” oo Maanta Si Rasmi Ah u Furmaysa

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmaya bandhigga buugaagta ee Mogadishu Book Fair oo sanadkii Afaraad oo xiriir ah ka qabsoomaya caasimadda Soomaaliya.

Waxaa la filayaa iney bandhigga ka qeybgalaan qoraa ka kala imaanaya dunida daafaheeda Soomaalina u badan oo buugaagta ay qoreen iyo bandhigyo ay sameynayaan lagu soo bandhigayo carwada.

War qoraal ah oo 12 bishan la soo dhigay barta Facebook ee Carwada Muqdishu book Fair ayaa lagu sheegay: “Imaatinka iyo ka-soo-qeybgalka Muqdishu book Fair qofna loogama baahna casumaad iyo shuruudo kale midna. Waxey si toos ah u billaabaneeysaa Arbacada, Agoosto, 15 ka, 8:30 aroornimo. Goobtu waa Sahal Terminal. Cid walba ayaa imaan karta”.

Talooyin loosoo jeedinayo dadka ka qeybgala bandhigyada buugeedyada.

1 – Su’aal waydii naftaada , waa maxay sababta aan u tagayo bandhigga?.

Ka digtoonow inuu kugu dhaco jacaylka buugaagta , laakiin ka fakar inaad ka faa’idaysato buugaagta aad iibsanayso, waxaa jira dad badan oo buugaagta guriga ku sharaxa , waxa laga digayaana waa inaad noqoto iyagoo kale.

2 – Ku dadaal inaad soo qaadato buug yar oo xusuus-qor ah si aad ugu qorato waxa aad doonayso ee muhiimka ah .

3 – Waxaad is xasuusisaa danta aad booqashada bandhigga ka leedahay , haddii aad doonayso inaad buug ka iibsato , haddii aad dan ka leedahay inaad ogaato wax cusub, dadka qaar ayaa u booqda inay iskaga cago baxsadaan darteed, laakiin inaad dantaada sii xadaysaa waxay kaa saacidaysaa inaad faa’idada ugu badan aad kala hoyato goobtaa.

4 – Haku sirmin midabka jildiga buugga , buuga qiimihiisu kuma taagna jaldigiisa , waxaad xooga saartaa daabacaadda lagu kalsoon yahay ee hadana la xaqiijiyay.

5 – Dadkii kaaga horeeyay waydii sida macradka looga faaidaysto, talooyinkooda wanaagsanna ku dhaqan.

6 – Kitaab kasta oo ku cajabiya lama iibsado , laakiin waxaad ku dadaashaa in qorshahaaga aad ku dhaqanto oo aanuu kaa burburin.

7 – Markasta tixraac qorshaha iyo jadwalka u degen bandhigga ee qoran ee aad meesha ka heli doontid, waxa ay taasi kaa caawineysaa in aad kala xulatid hadal-jeedinada kala duwan ee ay qorayaasha samaynayaan kana ad dhagaysanayso iyo kan kale.

8 – Waxaad tagtaa meesha maskaxdaada oo furan, hasii qaadan wax fikir ah ama aragti aad ka aaminsantahay bandhigga ama qorayaashaba, kaliya ku camal fal waxa aad meesha kala kulanto.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close