WararkaWaxbarashada

10 Sababoob oo Fashiliya Fulinta Qorshayaasha Waxbarasho ee Dowladaha Saboolka Ah

Ustaad Xasan Abuukar oo ka qeybgalay dood cilmiyeed ka dhacay Bandhigga Carwada Mogadishu Book Fair Khamiistiir August 16, 2018, isla markaana ka mid ahaa qoraagii buugaagta ay qoreen lagu soo bandhigayay carwada ayaa si gaar ah uga warramay 10-sababoob oo si goonni ah uu usoo uruuriyay oo uu aaminsan yahay iney dib u dhigaan fulinta qorshayayaasha waxbarasho ee dowladaha soo koraya oo Soomaaliyana ay ka qeyb tahay.

Ustaad Xasan, waxa uu ka hadlay 10 qodob oo uu is leeyahay iney ka siman yihiin dowladaha soo koraya, waxaana ay dooddiisu u dhacaysay sidan:

Runtii waxaa jira waxyaabo Somaliya la wadaagto wadamada soo koraya oo dhanna ay ka siman yihiin, markaa waxaan rabaa inaan sheego illaa 10 xubnood oo ugu wacan in qorsheynta waxbarashada ee dowladaha soo karayaa ay hirgeli waayaan.

Waxaa ugu weyn mar dhaweyd ayaa laga dhawaajiyay, waa (1) Maalgelinta, maalgelin haddii aysan jirin dhibkeeda ayey leedahay, markaa waxyaalaha ay wadaagaan dowaladaha soo koraya waxaa ugu weyn iyagoon aan u qoondeyn waxbarashada bajad ku filan, waxaa laga yaabaa in lacago farabadan lagu bixiyo maamulka, amniga. markii daraasaad ay UN sameeyeen, waxey arkeen in sanad walba sanadka ka dambeeya laga bilaabo 2009 ilaa haddeer in sanad walba sanadka ka dambeeya qorshaha loogu talogalay waxbarashada uu sii yaraanayo, macnaha waxa weeyaan in aanuu hortabin ahayn oo dowladaha soo korayaa ay wadaagaan.

(2) Arrinta kale  waa arrinta macallimiinta, waxaad mooddaa in macallimiintu ay yaryihiin ama haddii ay jiraanna ay san jirin tayo.

(3) Fasallada oo aan jirin, haddii ay jiraanna 130  arday ay wax ku bartaan, sida waddanka Malaawi, daraasaad UN sameeyeen ay dheheen halkii fasal waxaa dhigta 130 arday. wadama horey u kacay fasalkiiba waa illaa 25.

(4) Fasalladii oo aan lahayn biyo iyo masqulo ay ardaydu isticmaasho.

(5) Qalabkii waxbarashadu ma jiro, lixdii caruur ah waxaa laga yaabaa iney wadaagaan hal text book.

Midda kale oo ay wadama soo korayaa ay ka siman yihiin (6) Ardayda naafadaha inaan muhiimad gaar ah la siin, waxaa jira 191 milyan oo arday oo caalamka oo dhan oo naafo ah oo aan haysanin meel ay wax ku bartaan ama aan haysan macallimiin loo tababaray iney waxbaraan caruurtaasi.

(7) Gabadhihii oo aan la siineyn fursad ay wax ku bartaan, maaha wadama Muslimiinta ah oo kale, waa wadamo oo Latin America iyo Asia u badan.

(8)dagaalka iyo xasillooni darrada, taasi dhibkeeda ayey leedahay qofku inuu nabadgalyadiisa uu ka welwelo, waxaa dhaceyso in macallimiintii ay ka cararaan iskuulladii laga tago, tayadii ay sii xumaato.

(9) Caruurtii oo meelo fogfog waxbarashdii u aadaysa.

(10) Gaajada iyo nafaqo darrada, 160 caruur ah oo waxaa jira adduunka oo dhan oo gaajo iyo nafaqo darro ay hayso.

Maandeeq FM

Related Articles

Close