TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Mobile-llada Ugu Qaalisan Adduunka.. Lacagtooda Ma Maleysan Kartid!

Dad badan waxey ku dhib qabaan go’aan qaadashada iibka mobile cusub, waxaa suuqa yaalla mobilello kala gadisan oo ay soo saareen shirkado kala duwan oo adeegyo aan isku mid ahayn bixiya; iyadoo ay jirto rabitaanka qofka inuu helo mobile-ka ugu wanaagsan ee la jaanqaadaya jeebkiisa.

Hadaba, waxaan idiin soo gudbineynaa mobillada ugu qaalisan Adduunka ee loogu talagalay iney iibsadaan dadka taajiriinta ah oo markasta jecel waxyaabaha ay wataan dadka caadig ah iney kaga duwanaadaan.

5 Mobile ee Ugu Qaalisan Adduunka

1- Vertu Signature Diamond

Mobile-kan waa mid iska caadi ah, gebi ahaanna waa mid gacanta lagu sameeyay oo aan warshad loo adeegsam.

Qiimihiisa: 88 Kun oo Dollar

Mobile-ka waa mid aad u yar oo dhirirkiisu yahay 12 cm, waxaa laga sameeyay macdanta Titanium oo aad u adag, waxaa lagu dahaaray macdan qaali ah, waxaa soo saaray mid ka mid ah shirkadaha ku takhasusay sameynta mobile-llada, waa shirkad “VERTU” ee dalka Finland. Mobilekan ayaa la sameeyay xilli aaney jirin mobile-lladan smartphone ka ah, sidaa darteed 5 luuqadood oo kaliya ayuu leeyahay, memory-giisuna waxa uu qaadaa 1000 magac iyo 100 farriimood oo kaliya, xitaa internetka Wi-Fi ga ma taageerayo.

Embed from Getty Images

2- IPhone Princess Plus

Waxaa soo saartay shirkadda iPhone sanadkii 2007 xilligaas oo uu kacdoon ka sameeyay dunida mobilellada.

Qiimihiisu waa: $176,400

3- Black Diamond VIPN

Qiimihiisu waa: $300,000

Mobilekan waxaa soo saartay shirkadda Sonny, sanadkii 2007, waxaa lagu sameeyay noocyada dheeman kuwooda ugu qaalisan uguna saafisan.

 

4- Diamond Crypto Smartphone

Qiimihiisu waa: 1.3 milyan oo dollar

Sababta qaaliga mobilekan waxaa ugu wacan macdanta qaaliga ah ee sameyntiisa loo adeegsaday, waxaa la soo saaray sanadkii 2006, waxaana sameysay shirkad Ruush ah oo la yiraahdo “JSC Ancort”

5- Gold And Daiamond IPhones

Qiimihiisa: waxa uu u dhaxeeyaa 2.4-8 milyan oo dolar, mobile-kan shirkaddu waxey soo saartay sanadkii 2009 iyadoo xilligaa uu qiimihiisu yahay 2.4 milyan oo dolar.

Halka Diamond Rose iPhone4 32GB uu ahaa mobileka ugu qaalisan adduunka, waxaa loo sameeyay ganacsade reer Kanada ah oo la yiraahdo Stewart Hughes sanadkii, waxaa laga siiyay 8 milyan oo dolar oo maalqabeenku uu shubay.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close