WararkaWaxbarashada

Garoonka Weyn ee US Banka Stadium oo Markii Ugu Horreysay Muslimiinta Minneapolis Ay Salaadda Ciidda Ku Oogeen

Garoonka weyn US Banka Stadium ee dhaca bartamaha magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota oo ay Somalidu u badan tahay ayaa taariikhda Markii ugu horraysay Gudaha garoonka Ay Muslimiinu u ku oogeen Salaadda Ciidul Adxa.
Muslimiinta Gobolka Minnesota ee maantay soo xaadiray oo raxan raxan u galiyey Gudaha garoonka ayaa lagu qiyaasay 25 kun,iyagoo dhammaan wajiyadooda laga dareemayey farxad iyo rayn rayn.

Qaar ka mid ah Culumada Masaajidada Gobolka Minnesota ayaa wakhti badan galiyey in ay kulmiyaan inta badan Muslimiinta Gobolka Minnesota,isla markaas-na hal goob lagu wada tukado ,iyagoo sheegay in ay dirayaan fariin ku socota kuwa ku bahoobay Muslim nacaybka.

Xoghaya Safaaradda Somali ku leedahay Magaalada Washington Mudane Cabdirahmaan Bashiir ayaa soo gaarsiiyey dhabmbaal Salaan ah uu ka siday madaxda Soomaaliyeed,wuxuuna ugu baaqay Soomaalda gobolkaan in ay gacmaha isma qabsadaan.

Xildhibaanadda Aqalka Wakiilada ee Gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka Ilhaan Cumar iyo Gudoomiyaha Degmada lixaad ee Magaalada Minneapolis Mudane Cabdi Warsame oo la hadlay warbaahinta qaranka,ayaa ku tilmaamay in ay meel kuwada tukadaan dadka Muslimiinta ah gaar ahaan Soomaalida guul u soo hoyatay.

Si kastaba, Goobtaasi lagu oogay Salaadda Ciidul-adxaa ay aheyn mid ay ka muuqatay rayrayn iyo farxad aan la soo koobi karin waayo waxay aheyd markii ugu horreysay ay Muslimiinta Magaalada ku nool ku wada dukadaan hal meel, taasoo muujineysa isku duubnaanta Muslimiinta.

Xigasho: Wakaaladda Wararka ee Sonna

Maandeeq FM

Related Articles

Close