WararkaWaxbarashada

Taliyaha Xabsiga Dhexe: Waagii Hore Waxey Ahaan jirtay Bur iyo Maxbuus..Maanta Waa Qalin iyo Maxbuus

Taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar S.Guuto Maxamed Shiikh oo aan wareysannay ayaa sheegay in waagii hore ay xaaladda xabsigu ahaan jirtay bur iyo maxbuus maantana ay tahay qalin iyo maxbuus.

Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar S. Guuto Maxamed Shiikh Cumar oo u warramay wariyaheenna Maxamed Ciise ‘Koonaa’ oo warbixin ka soo diyaariyay xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa sheegay in maxaabiista ay tahay iney waxbartaan, maadama laga baxay xilligii burka:

“Waxey tahay maxaabiistu iney waxbartaan, waagii hore waxey ahaan jirtay bur iyo maxbuus maanta waa qalin iyo maxbuus, macallin iyo arday ayaan u rognnay, buug iyo qalin ayaan u rognay, Illahay idankii waxaan rajeynaynaa inaan ka sii ballaarinno.”, ayuu yiri taliye Maxamed Shiikh.

Xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa waxaa ka furan iskuul hoose dhexe oo lagu magacaabo Rajo.

Maamulaha iskuulka Rajo ee Xabsiga dhexe ee Xamar Cabdisalaan Xasan Cusmaan ayaa dhankiisa nooga warramay in iyagu ay jaamacad u hanqal taagayeen, si ay ugu suuragashana ay abuureen waxbarasho hoose dhexe si marka dabe ay uu u hirgalo hankooda ah iney Jaamacad xabsiga loogu keeno marka ay tiradu kororto, waxaa hadalladisii ka mid ahaa:

“Taliye cusub ayaa la magacaabay meeshii ay howsho noo mareysay kama aanuu bilaabin, annaga oo ah 13 qof ah ayaa tashannay, waxaan ku fakarnay inaan jaamacad imaan karin meesha iyadoo aaney ka jirin waxbarasho aasaasi ah, si dugsi sare loo helo waa in dugsi dhexe la helaa, si dugsi dhexe loo helo waa in dugsi hoose la helaa, waxaan go’aansannay inaan wax bilownno si aan u gaarno heerka iyo darajada aan rabno.”

Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali oo ah macallin wax ka dhiga iskuulka Rajo ee Xabsiga Dhexe  ayaa sheegay iney markii hore la ahayd inaaney suuraggal ahayn iney iskuul ka hirgeliyaan gudaha xabsiga dhexe:

“Markii hore ee aan iskuulka bilaabeynnay waxey nala ahayd waxaan macquul ahayn, waxan waa wax Alle na baray, wax la saddaqeystana cilmiga ayaa ugu wanaagsan, ardayda waxba kama qaadanno.”

Macallimiinta iskuulka Rajo ayaa inta badan ah kuwo xabsiga ku xiran oo muddooyin kala duwan ku xukuman.

Si kastaba, Xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa waxaa ka furan waxbarashada hoose dhexe iyo mid farsamo oo maxaabiistu ay noocii ay rabaan ay xushaan arrintaas oo muujineysa yididiilo wanaagsan oo gudaha Xabsiga dhexe ee Muqdisho ka muuqata.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close