TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Aasaasaha Dhabta ah ee Facebook oo Ku Eedeeyay “Mark Zuckerberg” Inuu Dadka Isticmaal Barta Ka Dhigo Kuwo Qabatima

Aaron Greenspan oo ka mid ah aasaasayaashii Facebook ayaa ku eedeeyay barta bulshada ee uu maamulo “Mark Zuckerberg“, ay ku fashilantay iney ilaaliso dadka isticmaal, dhimasho badanna ay ma’suul ka tahay. Aaron horey waxa uu u sheegtay in fikrdda Facebook lagu aasaasay bilowgeedii hore inuu iska lahaa, maanta waxa uu leeyahay Zuckerberg wuu wiiqay damaanad qaadkii ammaanka dadka barta isticmaala si uu lacago badan u tacbo.

Greenspan waxa uu jariidada The Telegraph u sheegay in Zuckerberg, maamulaha fulinta ee shirkadda Facebook uu iska indho tiray digniino hore uu ugu jeediyay si aan Facebook looga dhigin goob ay dadka qabatimaan sida mukhaadaraadka oo kale.

Waxa uu intaa sii raaciyay, waxaa dhici karta in qabatinka Facebook aanuu qofna si toos ah u dilin, sida; sigaarka oo kale, laakiin waxaa la xaqiijiyay in si dadban uu u keeno geeri dad tiro badan, waxaanuu soo xiganaya xasuusqor uu sameeyay ku xigeenka maamulaha Facebook Andrew Bosworth, oo aan si ku talagal ahayn ay saxaafaddu u heshay, oo uu kaga hadlayo in Facebook uu sababo geerida dadbadan, mar uu ka hadlayay khatarta sida uu u qaabeysan yahay website-ka Facebook.

Afhayeen u hadlay Facebook ayaa sheegay in website aan loo qaabeyn si ay dadku u qabatimaan, khubarana ay kala kaashadeen sidii  arrinkaas looga fogaan lahaa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close