WararkaWaxbarashada

Sucuudiga.. Waatan Ciqaabta Ka Dhalan Karta Marka Ilmaha La Geyn Waayo Iskuul!

Xeer ilaalinta guud ee dalka Sucuudiga ayaa ka digtay cawaaqibta ka dhalan karta in caruurta waxbarashada loo diido ama lagu garabsiin waayo waxbarashada, iyadoo ciqaabta ka dhalan karta lagu xusay maadada Afaraad ee nidaamka ilaalinta daryeelka caruurta.

Xeer ilaalinta oo barteeda Twitter-ka fariin soo dhigtay ayaa sheegtay, in waalidiinta ay waajib ku tahay iney abuuraan duruuftii ku habbooneyd si caruurta ay wax u bartaan, waxbarashadoodana lagu taageero, dhaqan roggana looga ilaaliyo, iney waxbarashadoodu ka kala go’do  waxaa loo aqoonsan doonaan dayacaad iyo dhibaateynta ubadka qeyb ka mid ah oo la iskala xisaabtamayo, nidaamka ilaalinta dhibaateynta caruurtana ay wax ka weydiineyso waalidka.

Haddii heerka maqnaashiyaha canugga ee iskuulka uu gaaro 30% waxaa la gaarsiinayaa xarumaha dhibanayaasha ee 1919, maadama arrintaa loo aqoonsanayo iney dayacaad weyn tahay, isla markaana ay keeneyso in ubadka ay waxbarashadiisu dayacanto.

Sidaas oo kale, waxyaabaha waalidka lagala xisaabtamayo waxaa ka mid ah dhaqanka ardayga ee fasallada dugsiga hoose, waxaa la eegayaa ardayga yunifoomkiisa, inuu galaaska ku dhex hurdo, inuu rabshad ka sameeyo, inuu gaariga iskuulka dhibaato ka dhex geysto inuu dagaal qeyb ka noqod..iyo dhaqamo kale oo gaaraya illaa 30 faldambi oo kala duwan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close