WararkaWaxbarashada

Daraasad Ku Saabsan “Manhajka Soomaaliya” oo Maanta Lagu Soo Bandhigay Gudaha Muqdisho

Daraasad ku saabsan Manhajka Qaranka Soomaaliya oo ay diyaarisay xarunta cilmibaarista, horumarinta aadanaha & warbaahinta ee SAHAN ayaa maanta lagu soo bandhigay gudaha magaalada Muqdisho.

Bandhigga daraasaddan waxaa ka qeybgalay, Wasaaradda Waxbarashada, Culumo-awdiin, aqooyahanno, jaamacadaha dalka qaarkood, xarumaha cilmi-baarista, akademiyadaha dalka ka jira, haween iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Sida xarutan SAHAN ay sheegtay, daraasaddan ayaa laga sameeyay buug uu qoray Dr. Maxamuud Cumar Aadan (Dr. Saxane) sanadkii 2016, waxa uu khabiir ku yahay arrimaha manhaj dejinta, maadama la ogaaday iney ku jiraan buugga xogo muhiim ah ay garwaaqsadeen in bulshada Soomaaliyeed loosoo bandhigo.

Daraasaddan waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa, Tilmaamaha Muqararka wanaagsan oo illaa 11 qodob lagu soo uruuriyay:

  1. Inuu dhiirrigeliyo qaababka waxbarasho ee kala duwan.
  2. Inuu ilaaaliyo kala duwanaanshiyaha ardayda.
  3. In laga helo waayo aragnimo fara badan.
  4. Iney xooggan tahay aqoonta iyo xirfadaha uu koobayo.
  5. Inuu adeegsaday luqad ay fahmayaan bulshda oo idil.
  6. Iney ku caddahay qorshe sanadeedka sanad dugsiyeedka.
  7. Inuu caddeeyo ujeedooyinka cutubyada.
  8. In laga helo xog dheeri ah.
  9. Inuu xambaarsan yahay akhlaaq wanaagsan.
  10. In laga helo gudihiisa xirfado ku aaddan nolol maalmeedka ardayga.
  11. In uu ka fogaado wax kasta oo keenaya iska horimaad manhajka dhexdiisa ah ama manhajka iyo bulshada.

Agaasimaha waaxda tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada  Dr. Cabdishakuur Sh. Xasan Fiqi, oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii cilmi-baariska ka qeybgashay ayaa ammaan ballaran u soo jeediyay xaruta cilmi-baarista SAHAN, waxaanuu soo jeediyay in hadda loo baahan yahay in cilmi-baaris laga sameeyo gudaha manhajka: “Waxaan u baahannahay in cilmi-baaris lagu sameeyo manhajka diyaarsan. “

Xarunta cilmi-baarista, horumarinta aadanaha iyo waxbarashada ee SAHAN: waa xarun cilmi-baaris oo aan faa’iido doon ahayn oo si gaar ah loo leeyahay, waxaa la aasaasay Janaayo 2012, waxey ka shaqeysaa; waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Maandeeq FM

Related Articles

Close