arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Caadada Ciddiyo Qaniinka oo Ardayad Ay Ku Weyday Suulkeeda

Ardayad la yiraahdo Courtney Whithorn ayaa farteeda ku weyday caado ay lahayd oo ah iney ciddiyaheeda qaniinto.

Jariidada The Sun ee ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa qortay in ardayadda Whithorn ay sheegtay iney bilowday iney ciddiyaheeda qaniinto xilli ay welwel dareentay, kadib markii ay dhibaato kala kulantay gudaha Iskuulka.

Markii ay aragtay in faraheeda uu madow soo galayo, gaar ahaan Suulkeeda ayay baqdin dareentay, kadib waxey go’aansatay iney arrintaa ka qariso ehelkeeda iyo saaxiibadeed muddo 4 sano ah.

Isbitaalka ayay markii dambe aadday si suulka madoobaaday ay iskaga daaweyso, markii baaritaan lagu sameeyay ayaa la ogaaday iney qaadday kansarka maqaarka ku dhaca.

Whithorn oo ah ardayad dhigata sanadkii labaad ee kulliyadda cilmi-nafsiga ayaa lagu sameeyay Afar qalliin oo kala duwan, arrintaas oo keentay iney sanad jaamacadda xirato maadaama aaney u suuraggaleyn iney wax qorto.

Halkan Guji si aad u booqoto qormo hore oo aan ka qorney dhibaatada ay leedahay caadada ciddiyo qaniink

Maandeeq FM

Related Articles

Close