arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Masar oo u Dabbaaldagtay Labo Dhacdo oo Taariikhi Ah oo Marqura u Kulantay

Talaadadii shalay dalka Masar waxaa looga dabbaaldagay Labo dhacdo oo taariikhi ah oo marqura kulantay, waa taariikhda Hijriga iyo tan Copts-ka, Labo dhacdo ayaa ay yar tahay iney marqura sidan oo kale ay u wada kulmaan.

Sanadkan 2018 ayaa waxaa marqura wada dhashay sandka Hijriga iyo kan Copts ee masaaridii hore, September 11, 2018, waxey ku beegnayd dhalashada Muxarram maalinta koowaad ee sanadka Hjriga ee cusub 1440, sidaas oo kale, waxaa bilowday sanadkan Copts ka cusub oo maraya hadda, 1729.

Madaxweynaha Masar “Sisis” oo dhacdadan ka hadlay ayaa yiri: “Sanad walba iyo Masaarida oo nabadqab, faraxad iyo midow ku naalooneysa, waxaan idinku hambalyaynayaan munaasabadda sanadka cusub ee Hijriga iyo Copts ka”

Sanadkan Copts-ka:

Waxaa loo yaqaannaa taariikhda “Shuhadada”, waxa ay aasaas ahaan ku tiirsan tahay taariikhdii hore ee Masaarida, waana mid ku salaysan habka qorraxda waxaana dejiyay Masaaridii hore oo sanadka ku saleeyay wareegga Qorraxda.

Xilliga taariikhdan waxey ka soo bilaabataa 4,200 oo sano ka hor Miilaadiga, sanadkii waxaa loo qaybiyay 12 burji oo saddex fasal oo kala duwan ka kooban(Daadad-Abuur-Gurasho), iyadoo fasal kasta uu yahay 4 bilood.

Taariikhdan waxaa weli ku dhaqma Masaarida Copts-ka ah iyadoo bilihu ay wataan magacyadii Fircooniga ahaa. taariikhda Shuhadadu waxey ka soo bilaabataa 248, xilligaas oo Boqorkii Roman-ka Diocletian uu Copts-ka ka dilay ku dhawaad hal-milyan oo ruux oo Coptic ah.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close