arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Gabar Faransiis Ah oo Nafteeda Guursatay!… Waxey Ka Sheekaynaysaa Sababtii Ku Kaalliftay iney Go’aankaa Qaadato

Gabar faransiis ah oo la yiraahdo Laëtitia Nguyen ayaa go’aansatay iney nafteeda guursato, xafladna ay ku dhigato jasiiradda riyadeeda Santorini ee ku taalla gudaha dalka Giriigga.

Haweenaydan oo 38 jir ah kana soo jeedda Reims, France, ayaa guurkeeda waxa uu ku kacay 24,000 euro, roogga guurka kaligeed ayaa ku socotay, ballamaha guurkana iyadaa nafteeda la jiibisay.

Sida ay qortay jariidada Metro ee ka soo baxda gudaha dalka Ingiriiska, Laëtitia ayaa sheegtay in sababta ku kalliftay iney tallaabadan ay qaadataa ay ahayd, in ninkii ay u doonaneyd uu ka tagay bilo yar un ka hor guurkeeda.

Gabadhan ayaa riyadeedu ahayd iney xafladda guurkeedu ka dhacdo jasiiradda(Santorini) ee Griiigga ku taalla ee ceenka ah, oo ay ku riyooneysay illaa yaraanteedii iney ku guursato, laakiin ninkii ay u doonaneyd ayaa ka tagay isagoon wax sabab ah u sheegin.

Laëtitia waxey tiri: “Waxwalbaa si wanaagsan ayay ku socdeen, waxaan heshiis ku ahayn caruurta aan dhali doonno iyo qorshayaal badan oo noo degsanaa. Labadeenuba waxaan dooneynay aroos  aad u heersarreeya oo cajiib ah, waxaan aad ugu qanacsaneyn inaan is-guursanno, waxaanan ku mashquulsaneyn u diyaargarowga maalintaa weyn.”

Waxey intaa sii raacisay: “Aad baan uga xanuunsanayaa wixii dhacay, laakiin noloshu waa hadiyad ay habboon tahay inaan ka faa’iidaysanno. waxaan goostay inaan nafteyda guursado maadaama aan is-aqaanno inaan ahay qof wanaagsan. wax ceeb ah iyo xishood midna ma dareemayo.”

Waxaa xusid mudan, in xafladda arooska ay ka soo qeybgaleen 8 qof oo marti ah, waxaa ka mid ahaa labadeeda waalid, walaasheed iyo qaar ka mid ah saaxiibadeeda ugu dhaw.

Maandeeq FM

Related Articles

Close