WararkaWaxbarashada

Macallimad Hal-cambuur Ku Shaqo Tageysay Muddo 100-maalmood Ah!.. Macnahay Muhiimka ah Ayay Ku Bareysay Ardaydeeda

Macallimad Mareykan ah ayaa si ku-talagal ah u labisneyd cambuur kaliya muddo100 maalmood oo xiriir ah, si ay ulajeeddo goonni ah u gaarto.

Macallimaddan oo la yiraahdo Julia Mooney oo ah macallimad ka tirsan iskuulka dhexe ee William W. Allen ee ku yaalla Moorestown, New Jersey, gudaha dalka Mareykanka, ayaa subax walba muddo 100-maalmood ah ku labisaneysay hal-cambuur si ay aradaydeeda u barto joogteyntu waxa ay tahay!.

Sida uu qoray website-ka (6abc.com), macallimaddana ayaa sheegtay in maalin kasta oo dhar goonni ah la xirtaa ay tahay waqti lumis, dhar sameyntuna ay tahay ay mid uskag badan laga dhaxlo.

Macallimadani waxaa kale oo ay sheegtay iney si joogta ah u dhaqdo cambuurkeeda, kuwo kale oo la midab ah oo ay ku bedelaaataana ay sidoo kale; guriga u yaallaan.

Si kastaba, macallin Julia waxey filaysaa in joogteynta ay u noqoto tusaale nool, iyadoo qorsheynaysaa iney sii waddato iney hal-cambuur ku shaqo tagto.

Maandeeq FM

Related Articles

Close