WararkaWaxbarashada

Cilmiga Psychology-ga oo Kuu Xulaya Saaxiibka Aad Ku Kalsoonaan Karto Goobta Shaqada

Xilli cilmi-baarisyo badan ay ka hadleen Behaviors(dhaqanka) kalsoonida abuura gudaha goobta shaqada, ayaa hadana daraasado kooban ay ku guuleysteen iney kor istaagaan oo si dhab ah ay u tilmaamaan dadka ay tahay in lagu kalsoonaado marka loo barbardhigo asaagooda kale ee goobta shaqada ay ka wada tirsan yihiin.

Cilmi-baaristan cusub oo lagu faafiyay joornaalka Journal of Personality and Social Psychology, ayaa lagu ogaaday in dadka “Naftooda sida joogtada ah u eedeeya” (khaladkan maxaan u galayay, maxaan go’aankan khaladan u qaadanayay…), ay yihiin kuwo lagu kalsoonaan karo goobta shaqada.

Khubarada daraasaddan diyaarisay oo ka tirsanaa kulliyadaha Business ee Jaamacadaha Chicago, Pennsylvania iyo jaamacadda Carnegie Mellon ayaa daraaseeyay dhaqanka lagu kalsoonaan karo ee dadka qaar, iyagoo sameeyay tijaabooyin kala duwan oo lagu baaray furfurnaashinaha qofka, damiirkiisa iyo sida uu naftiisa u canaanto marka uu khalad ka dhaco.

Emma Levine oo ah assistant professor ka tirsan jaamacadda Chicago kulliyadda Business-ka ayaa tiri: “Waxaa noosoo baxday in qofka marka uu qoomameyn dareemo ay arrintaasi ka dhigan tahay inuu yahay qof lagu kalsoonaan karo, dadka qoomameynta dareemaa dadka kale mas’uuliyad ayay iska saaraan, waana arrinta aan daraasaddeenna ku ogaannay.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close