WararkaWaxbarashada

Nobel Prize -ka Nacasnimada oo La Guddoonsiiyay 10 Cilmi-baaris oo Aan Wax Nacfi Leh Soo Kordhin!

Xaflad weyn oo si haybad badan loosoo agaasimay ayaa lagu bixiyay abaalmarinnada Harvard ee Nobel Prize Ig ee “Doqonnimada” oo ay ku guuleysteen 10 qof oo takhasusyo kala duwan ku helay, kadib markii la hubsday in cilmi-baaristoodu aaney wax faa’iido ah lahayn, macluumaad cusubna aaney soo kordhin.

Abaalmarinta Ig Nobel Prize, waa abaalmarin si sanadle ah ay u bixiso jaamacadda Harvard oo si gaar ah u abaalmarisa cilmi-baarista doqonnimadu ka muuqato oo aan macluumaad faa’iido lahayn soo gudbiya, waxaana si gaar ah loo eego 10 takhasasus oo kala duwan.

Abaalmarinta caafimaadka waxaa la guddoonsiiyay cilmi-baarayaal Mareykan ah, Professor David Wartinger iyo saaxiibkii oo ka hadlay in leexooyinka (Roller coaster) la koro ay kalyaha ka saaraan dhagaxaanta burburka ah ee ku jirta.

Dhanka Chemstry-ga waxaa ku guuleysatay cilmi-baare Portuguese ah iyo koox ay hoggaamineysay oo ka hadlay kaalinta ay candhuuftu ka qaadato nadiifinta goobaha wasakhda ah!. cilmi-baarayaal Australia u dhashay ayaa, sidoo kale,  ku guuleystay abaalmarinta dhanka Suugaanta, waxey sheegeen in dadka inta badan isticmaala bedeecadaha Complicated-ka ah aaney akhrin warqadaha farriimaha ah ee la socota.

Maandeeq FM

Related Articles

Close