WararkaWaxbarashada

Ra’iisul-wasaaraha Pakistan oo Qasrigiisa Ka Tanaasulay Si looga Dhigo Jaamacad Xukuumadeed oo Aad u Tayo Sarreysa

Ra’iisul-wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa ka tanaasulay qasrigiisii xukuumadda, si loogu bedelo dhismo Jaamacadeed oo heer sare ah.

Waxa uu ammar ku bixiyay in guryo badan oo kale oo dowladeed oo aad u qurux badan loo bedelo matxafyo, hotello, xarumo aqooneed oo danta guud loogu adeego.

Ra’iisul-wasaare Khan, ayaa go’aankiisan uga golleh in hoos loo dhigo qiimaha canshuuraadka  ay shacabku bixiyaan, oo qeyb ka mid ah qasriyadaa waaweyn ee loogu talagalay madaxda lagu dayactiro.

Si hadaba arrintan loo dhaqan geliyo, waxaa la-saartay guddi xukuumadeed oo takhasus u leh habka dhismayaasha xukuumadda loogu bedelayo goobo madadaalo oo dekhli sameeya iyo kuwo kale oo adeeg loogu fidiyo shacabka.

Khan ayaa barnaamijkiisa doorashada ee xisbiga uu madaxda u yahay ee PTI waxaa ka mid ahaa ballaanqaad u sameeyay in qasriga madaxtooyada uu u bedeli doono jaamacad aan iyadoo kale lagu arkin dalka Pakisan, dushana uu saaranayo kharashka ku baxaya si dhismaha looga dhigo mid ku habboon jaamacad.

Maandeeq FM

Related Articles

Close