WararkaWaxbarashada

Trump oo Ammaan Ballaaran u Soo Jeediyay Buugga “Waalida Siyaasadda”.. Sirtuna Waa Tan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ammaan ballaaran u soo jeediyay buug wata cinwaanka “Waalida Siyaasadda“, waxa uu bartiisa twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku ammaanayo Dr. Gina Loudon oo ah qoraaga buugga “Mad Politics“, isagoo ku tilmaamay iney tahay qof sare.

Sirta ka dambeysay inuu ammaan ballaaran u soo jeediyo buuggan ayaa ah in gudihiisa lagu xusay oo lagu soo qaatay Madaxweynaha.

Waxaa lagu sheegay buugga inuu yahay madaxweynihii ugu caqliyadda wanaagsanaa.

Waxaa xusud mudan, in buugga garbadkiisa sare ay ku qoran tahay “Ka ilaashada caafimaadkiinna caqliga dunidan waalatay.”

Si kastaba, buuggan ayaa la filayaa in dhawaan suuqyada la soo geliyo.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close