WararkaWaxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo Xaflad Sagootin Ah u Sameysay Arday Deeq Waxbarasho Ka Heshay Dalka Suudaan

Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa sagootisay 13 arday oo dalka Suudaan looga helay deeq waxbarasho.

Ardaydaan deeqda waxbarasho loo helay ayaa ka mid ahaa ardaydii sanadkii hore ee 2017 kaalimaha hore ka galay imtixaankii dugsiyada sare Puntland.

Munaasabad ardaydan lagu sagootinayay oo lagu qabtay xarunta wasaaradda waxbarashada ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Waxbarashada Abshir Yuusuf aw ciise iyo Agaasimha Tacliinta sare Maxamed Axmed Warsame (Shirdoon) iyo wakiilka hay’ada Munadama Dacwal Islaamiya xafiiskeeda Puntland.

Agaasimaha Waaxda Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Axmed Warsame ayaa sheegay ardaydaan in markii hore lala damacsanaa in loo diro dalalka Iraq iyo Masar, balse ugu dambayn loo helay dalka Suudaan. Wuxuu ardayda kula dardaarmay iney si fiican uga faa’idaystaan deeqda waxbarasho, wuxuuna u mahadceliyay hay’adda Munadama Dacwal Islaamiya oo kaalin weyn ka ciyaartay fursadaan waxbarasho.

Wasiirka waxbarashada Puntand Prof. Abshir Yuusuf Ciise oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay Dowladda Puntland inay dadaal xoogan ugu jirto in kor loo qaado fursadaha waxbarshada ardayda dugsiyada sare. Wasiirku wuxuu ardayda ku booriyay iney ku dadaalaan waxbarashadoooda islamarkaana aysan ku mushquulin waxyaabo kale sida tahriibka oo uu ku tilmaamay dhibaato weyn oo maanta haysata dhalinyarada Puntland.

Ugu dambayn, ardayda helay deeqaha waxbarasho ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyinkooda iyo dekumentiyadii ay ku tagi lahaayeen dalka Suudaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close