arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Xabbad Laga Maqlay Barxadda Masaajidka Nebiga ee Magaalada Madiina al-Munawara

Nin ayaa xabbad ka riday barxadda Masaajidka Nebiga (N.N.K.H) ee Magaalada Midiina al-Munawara, gudaha Sucuudiga, arrintaas oo keentay in ciidanka ammaanka ay soo farageliyaan, waa sida sheegeen warbaahinta Sucuudiga, Axamdda September 16, 2018.

Sida ay qortay jariidada “Sabq“, ninkan oo 42 jir ah ayaa xabbadda ka riday baaskoolad, laakiin isla markiiba waxaa goobta soo gaaray ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay.

Jariidada ayaa intaa raacisay in ninkani maskaxiyan uu u jirran yahay, laakiin xabbaddii uu riday aaney cidina waxba ku noqon, ninkan -oo cidda uu yahay aan la shaacin- ayaa loo gacan geliyay booliska magaalada si ay uga qaadaan tallaabadii ku habbooneyd.

Masaajidka Madiina al-Munawara ayaa ammaankiisa aad loo adkeeyay wixii ka dambeeyay dhacdadii 2016, xilligaas oo qofi isku qarxiyay goob ka ag-dhaweyd masaajidka, waxaa ku dhintay 4 qof oo ciidaanka ka tirsanaa, 5 Kalena wey ku dhaawacmeen.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close