WararkaWaxbarashada

Dhalasho Naadir ah Xayawaan Noociisu uu Dunida Ka Sii Dabargo’ayo (Muuqaal)

Beerta la yiraahdo Denver Zoo ee gudaha dalka Mareykanka ayaa waxaa ku dhashay xayawaan Aye-ayes, nooca ugu naadirsan oo dabarg’o ku dhow, waxa uu ku bah yahay nooca Lemur-ka Madagascar.

Joornaalka “Live Science“, ayaa sheegay in Aye-ayes kan yar loo bixiyay magaca Nymphadora Tonks oo lagu sharafay shaqsiyad khiyaali ah oo ku jirtay riwaayaddii “Harry Potter“. halka magaca hooyadii la waafajiyay isla shaqsi khiyaali ah oo ku jiray ruwaadda “Harry Potter”, waa Bellatrix Lestrange.

Xaywaankan naadirka ah ayaa markii ugu horreysay laga helay xeebaha galbeed ee Madagascar sanadkii 1780-kii.

Saynisyahannadu waxey aaminsan yihiin in xayawaankani uu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ka soo haray bahdiisa Lemur-ka oo uu ka badbaadday dabargo’a.

Xayawaankan oo ah mid habeenkii un soo baxa ayaa la tilmaamayaa in bahdiisa uu ku gaar yahay oo tiro kooban oo qura oo fara ku tiris ah ay dunida ku noolyihiin.

Maandeeq FM

Related Articles

Close