TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Ma Rumeysan Kartid Sida Ay Isku Bedeshay “Teknoloojiyada” Labaatankii Sano ee Lasoo Dhaafay!

Haddii uu qofku u fiirsado hareerihiisa waxa uu si dhakhsiyo ah u arkayaa waxyaabo badan oo is-bedelay, gaar ahaan Labaatankii sanno ee la soo dhaafay.

Haddii aan dhanka teknoolojiyada milicsanno farqiyaga maanta iyo sagaashameeyadii waa mid aad u kala duwan, maalintii malaayiin sawir ayaa la isku dhaafsadaa dhanka Baraha- bulshada ee casriga ah, waxaa la isticmaalayaa mobile-llo SmartsPhone ah oo macaamilka bankiyada lagu sameyo.

Kacdoonka teknoolojiyada waxa uu bedelay habkii nolosheenna, hadaba; si aan waqtiyadii hore u milicsanno aan is-barbardhig ku sameynno sagaashamaadkii iyo maanta waxa dunida iska bedelay, muddo rubuc-qani kor u sii dhaafaysa.

  1. Dhageysiga cajaladaha

Shalay marka aad muxaadaro u baahato waxaad ku khasbaneyd inaad cajalad soo duubato kadibna aad raadiyaha ku dhageysato iyadoo ay khasab ahayd in kharash kaa baxo, maanta waxaad gelaysaa Youtube oo halkaa wixii aad doonto aad ka daawan karto, sidoo kalena aad ka dhageysan karto.

  1. Gawaadhisa

Sagaashamaadkii marka aad gaariga ka dageyso waxaad ku khasbaneyd inaad badhamada albaabada gudaha aad kulli wada xirato, muraayadaha dariishadahana aad dallacato, gaarigana aad furo ku xirato oo mararka qaar aad la dhibaatoon karto, maanta waxwalbaa waa automatic oo suulkaaga oo aad riixdo oo qura ayaa shaqadaas oo dhan marqura aad ku fulin kartaa.

  1. Telefishinka

Maanta waxaad hor fariisaneysaa adigoo sida aad doonto u rogroganaya, janallada aad doontana ka dawaan kara daafaha kala duwan ee dunida, Sagaashamaadkii xaalku sidaa wuu ka duwanaa, janallo gudaha ah ayaa qofku ku khasbaa inuu daawado iyo barnaamijyo kooban.

  1. Internet-ka

Qof kastaa waa uu garanayaa bilowgii hore internet-ka dhibaatadii ka jirtay iyo culeyska daqiiqado uu qofku ku khasbanaa inuu sugo howl kasta oo uu internet-ka uga baahdo, maadama uu xawarihu uu aad u hooseeyay, maanta waxwalbaa waa ku dhufo oo qura waqti badan kaagama baahna inaad internet-ka wax ku dirsato ama aad ka baarato.

  1. Mobillada

Shalay mobilladu waxey ahaayeen kuwo aad u waaweyn aadna u qeylo dheer, maanta waxwalbaaba wey isbedelaan, mobilladii noloshii oo dhan ayaa ku xiran, cid ka maarki kartaana ma jirto.

Maandeeq FM

Related Articles

Close