WararkaWaxbarashada

Markii Ugu Horreysay.. Sucuudiga oo Xorriyad Ay Magaalo Kasta Ku Maraan Siinaya Dadka Cumreysanaya

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sucuudiga ayaa ku dhawaaqay in markii ugu horreysay loo ogolaanayo dadka Cumraysanaya iney booqdaan magaalooyinka iyo goobaha kale ee loo dalxiiska tago ee ku yaalla gudaha Sucuudiga, waa marka uu qofka horey u sheego in dalxiis ugu jiro qorshihiisa Cimrada.

Wakiilka Wasaaradda Xajka oo la yiraahdo CabdulCasiis al-Wazzan ayaa Jariidada ” Al-Youm” ee Sucuudiga ka soo baxda u sheegay in : “Barnaamijka Cumrada iyo booqashooyinka sanadkan waxaa lagu sameeyay isbedel goonni ah oo dadka Cumareysanaya ee ka imaanaya dibadda Sucuudiga loo ogolaanayo iney booqdaan magaalooyinka Sucuudiga ee kala duwan mudada 30 cisho ee visa ugu qoran, 15 maalmood waxaa loo gaaryeelayaa Labada Xaram ee sharafta leh.”

Wazzan waxa uu tilmaamay in qofka Cimreystaha ah uu Sucuudiga sii joogi karo, marka shirkadaha Cumarada ay soo gudbiyaan codsi ku aaddan in waqti dheeraad ah loo ogolaado, barnaamijka u gaarka ah cumrada.

Waxaa loo badiyaan in dadka Cumreysanay ay gaaraan sanadkan 8 milyan iyo 500 oo kun oo dhammaadka Shawaal, halka dadkii sanadkii hore Cumreystay ay gaareen 7 milayn oo ruux.

Maandeeq FM

Related Articles

Close