WararkaWaxbarashada

Waxaa la Furay Hal-xiraalaha Farriin Maldahan oo “Shaydaan” u Yeeriyay Haweenay Baadariyad Ah

Aqoonyahanno Talyaani ah ayaa sheegay iney fureen hal-xiraalaha qoraalka farriinta maldahan xambaarsana oo ku caanka baxay “Farriinta Shaydaanka”.

Sida ay qortay jariidada “The Times“, aqoonyahannadan talyaaniga ah ayaa sheegay inaan farriinta shaydaan qorin ee ay qortay haweenay baadariyad ah oo la yiraahdo Maria Crocifissa della Concezione, taas oo sheegatay in farriinta uu sheydaan qoray isagoo adeegsanaya gacanteeda sanadkii 1676.

Sida ay haweenaydan sheegtay, sanadkii 1676 ayay maalin ay hurdada ka soo toostay iyadoo gacamaheedu ay lahaayeen khad, isla markaana ay ag-taallo farrin ku qoran luqad aan la fahmi karin, markii ay warqadda fiirisay waxey ku aragtay farteeda, laakiin ma’aaney xasuusan sida ay wax u dhaceen. waxey go’aan satay iney tiraahdo shaydaan ayaa jirkayga soo galay oo farriintan qoray.

Muddo 3 Qarni ah kadib ayaa aqoonyahannada waxaa u suuragashay iney furfuraan hal-xiraaha warqaddan iyadoo furaha hal-xiraalaha laga helay shabakad sir ah oo la yiraahdo “dark web“.

Farriinta 15 weedhaheeda oo ka mid ah ayaa laga furay, weedhahaas ayaa waxaa lagu inkiryaa jiritaanka Alle iyo qaar ka mid ah Amiyadiisa.

Aqoonyahannadaha hal-xiraalahan furay ayaa aaminsan in farriintan ay qortay haweenaydan baadariyadda ah, waxaana dhici karta ayay yiraahdeen in awoodo luqadeed oo aad u heer sarreeya ay lahayd, luqadeeda gaarka ah ay ku qortay, taas oo ay hal-xiraalaheeda fureen, sida muuqata, haweenaydan ayaa khiyaanada iyadu sameysay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close