WararkaWaxbarashada

Caanaha Geela oo Ugu Nacfi Badan Noocyada Caanaha Adduunka -Daraasad

Jariidada The Gaurdian ayaa faafisay warbixin ku aaddan bedelka caanaha lo’da loo heli karo uu ka mid yahay caanaha geela oo ugu wanaagsan noocyada caanaha suuqa yaalla.

Daraasadda ay jariidadu faafisay ayaa waxaa ku jiray is-barbardhig lagu sameeyay noocyada caanaha, iyadoo la eegayo faa’iidooyinkooda cunno iyo midka suuq ee ay leeyihiin.

Sida ay sheegtay shirkadda “Euromonitor” ee dalka Ingiriiska, waxaa jira noocyo badan oo caano ah oo suuqa yaalla waxaa ka mid ah, caanaha Soy ee laga sameeyo dhirta, caanaha Qumbaha iyo midka Geela iyo labo nooc oo kale oo caano ah oo ay kala ah, Almond iyo caanaha bariiska.

Dr Michalis Hadjikakou oo ka tirsan jaamacadda Deakin University, gaar ahaan kulliyadda sciences, ayaa sheegay in arrintu ay tahay mid dhib badan loona baahan yahay in daraasado badan la sameeyo si loo helo caanaha ugu wanaagsan.

Caanaha Soy waxaa laga soo saaraa dhirta kaymaha Amazon ee roobka badan, iyadoo loo baahanayo in dhul badan la banneeyo si loo beero, halka qiimaha caanahan uu sii kordhayo maadama uu borotin ku ku badan yahay.

Caanaha qumbaha, waa nooca ugu tayada yar, noocyada caanaha, waa sida Dr. uu sheegayo, faa’iidadiisu lama mid ah faa’iidooyinka laga helo caanaha kale.

Caanaha Geela

Dr Michalis, waxa uu caanaha Geela ku sheegay iney yihiin caanaha ugu macquulsan ee lagu bedelan karo caanaha lo’da, qiimahooda cunno oo aad u sarreeya, geela waxa uu kaga fiican yihiin xoolaha kale ee lo’da ka midka tahay in caanihiisa aanuu methane ku badneyn, sida xoolaha kale ay calafka u cunaan uu kaga duwan yahay.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close