WararkaWaxbarashada

Lacagta iyo Quruxda Marka Laga Yimaaddo.. Dumarku Maxaa Kale oo Ay Ragga Ku Xushaan?

Culumada Psychology-ga Mareykanka ayaa ogaaday in quruxda iyo lacagta aaney kaligood ku filleyn in lagu hantiyo qalbiga dumarka.

Sida ay cilmi-baarayaashu sheegeen lacagtu nin kasta qiimihiisa kor ayay u qaaddaa  dhanka dumarka, laakiin arrinka ma’suulka ka ah soo jiidashada dumarka, waa genes loo yaqaanno “Histocompatibility”.

Sida uu sheegay joornaalka “Psyсhology Today”, Culumada Psychology-ga waxey aaminsan yihiin in genes-ka dumarku ay ka kasbadeen isbedelkii kala duwanaa ee xilliga, ay keenayso in gabadhu ay guursato lamaane leh genes xasilloon, taas oo suuraggal ka dhigeysa in caruurta ka farcantaa ay noqoto kuwo leh difaac awood badan.

Khubaradani waxey sheegayaan, inta badan dumarku aaney lahayn genes ku habbooneyd si ay u dhalaan ubad awood badan, sidaa darteed waxey isku dayaan iney dhanka ragga ka helaan.

Cilmi-baarayaashu waxey tilmaameen in cilmi-nafsiga dumarku uu si cad u sheegayo in dumarku guurka ka dib iyo marka ay caruur dhalaan ay iska illoobaan waxwalba oo markii hore uu ninka ku soo raaceen.

Si kastaba, Cilmi-baaristani waxey hoosta ka xarriiqday in dumarku ay ragga ku xushaan genes “Histocompatibility” oo dhankooda soo jiidasho gaar ah u yeesha.

Maandeeq FM

Related Articles

Close