WararkaWaxbarashada

Maxaa Dhacaya Haddii 5 ilbiriqsi oo Qura Dunida Laga Waayo Oxygen?

Oxygen-ku waxa uu ka mid yahay item-yada ugu badan xaynaadba jawiga aan ku noolnahay, isagaan ku neefsannaa oo aan ku soo saarnaa waxyaabo badan, waxa uu leeyahay nacfi badan oo qaarkood aanad maleysan karin.

Ma is-weydiisay waxa dhulka ku dhici kara haddii Oxygen laga waayo dhulka, haddii la waayo safarka wuu istaagayaa, maxaa yeelay; matoorka gawaadhida Oxygen la’aantii ma shaqeyn karaan oo howlgab ayay noqdaan, arrintaas oo ka dhigan in hal-billion oo gaari ay marqura istaagayaan daafaha kala duwan ee dunida, si uu matoorku tamar ugu bedelo mid wax dhaqaajisa waxaa lagama maarmaan u ah Oxygen.

Haddii aan ognahay in daqiiqad kasta ay hawada sare u duulaan 100 diyaaradood daafaha kala duwan ee dunida, waxaa dhibaato soo gaaraysaa safarradaas, iyadoo ay jirto in diyaaraddu marka ay hawada ku jirto aaney Oxygen u soo dhaceyn, ayaa hadana shilalaka diyaaraduhu ay badanayaa iyadoo ay ka dhalaneyso khasaare aan la maleysan karin.

Dhanka aadanaha, Oxygen-ku waxa uu kaalin muhiim ah ka ciyaaraa neefsashada aadanaha, nasiib wanaag jirkeennu waxa uu leeyahay waddo kale oo uu Oxgeyn ku dhaliyo marka uu muddo kooban uu maqnaado, tusaale ahaan; jimicsi xooggan marka aad sameyso, xubnuhu waxey isticmaalayaan oxygen ka ku kaydsan gudaha, glucose ayaa soo saaraya tamarta uu jirku u baahan yahay ee dheeraadka marka ay lagama maarmaan noqoto. sidaas oo kale unugyada jirku waxey soo saarayaan oxygen marka ay nuqsaantiisa dareemaan.

Su’aasha muhiimka ah ayaa ah, maxaa dhacaya haddii oxygen laga waayo lakabyada kiimikeed?

Haddii oxygen laga waayo lakabyada kiimikikeed, waxwalba oo aan naqaanno oo adke ah waxa uu isku bedelayaa boor macdaneed, tusaale ahaan, dhismayaasha, dharka, waddooyinka, xitaa dhulka aan ku noolnahay Crust-kiisu waxa uu ka kooban yahay oxygen 46%, haddii la waayo wuu suulayaa oo la waayayaa halka uu ka baxay, maaddooyinka aan naqaanno oo dhan, looxaanta, dhagaxa, suufka waxey ka koobanyihiin lakab aasaaskiisu yahay oo uu isku xiro Oxygen la’aantii aan taagnaan karin.

Maandeeq FM

Related Articles

Close