arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Daraasad: Dadka Caadifad Ahaan u Fashilma Waxey Jacaylkoodii Hore Ka Jaasuusaan Dhanka Internet-ka

Saynisyahanno ka tirsan Jaamacadda “NUI Galway” ee Irish-ka ka dhisan, ayaa sheegtay in dadka ku fashilma xiriiradoodii hore ay internet-ka iyo Baraha-bulshada u adeegsadaan iney ku jaasuusaan oo ay kula socdaan xaaladda jaceylkoodii hore.

Saynisyahannada ayaa natiijadan soo saaray kadib markii ay sameeyeen daraasad ay ka qeybgaleen 717-qof oo qaangaar ah oo ah kuwa Facebook si aad ah u isticmaala, dadkan ayaa dhaqankooda si maalinle ah loola socday iyo wixii ay kala socdaan website-yada ay booqdaan, dadkan ayaa la weydiiyay su’aalo lagu baarayo xaaladdooda nafsi ahaaneed iyo midda caadifadeed.

Natiijada daraasaddan ayaa caddeysay in dadka kalsoonidu ku yar tahay mashaakil nafsi ahaaneedna ay haysato uu Depression ku badan yahay, inta badan ay la socdeen dhaqdhaqaaqyada iyo wararka jacaylkoodii hore dhanka Baraha-bulshada.

Sidaas oo kale, waxaa fiiro gaar ah lahayd in dadkaasi barahooda bulshada ku faafiyaan sawirro iyo qoraallo ay ku muujinayaan iney xaaladdoodu aad u wanaagsan tahay, sidii horena ay xaaladoodu ka wanaagsan tahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close