TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Qofkii Ugu Horreeyay oo Safar Dalxiis Ku Aadaya Dayaxa

Maamulaha fulinta ee shirkadda Space X “Elon Musk” ayaa shaaciyay magaca qofkii ugu horreeyay ee safar dalxiis ku aadaya dayaxa, waxa uu sheegay inuu yahay maalqabeenka reer Japan ee “Yusaku Maezawa“, maalqabeenkan oo dhawaan shir jaraa’id qabtay ayaa yiri: “Ugu dambeyn waxaan awoodaa inaan idiin sheego inaan doortay inaan dayaxa aado!”.

Waxa uu tilmaamay inuu iibsaday dhammaan kuraasta safarka dayax gacmeedka laga tuurayo gantaalka Space X’s Big Falcon Rocket. naftiisa marka laga yimaaddo; maalqabeenkani waxa uu qorsheynayaa inuu sii kaxaysto Lix fannaan oo safarkiisa ku wehelin doona, fannaaniintan ayaanuu weli xulan, laakiin marka ay dayaxa ka soo noqdaan waxey sameyn doonaan ruwaayad ay kaga hadlayaan sida uu safarkoodu u ekaa iyo waxyaabihii cajiibka lahaa ee ay kala kulmeen.

Lama shaacin kharashaadka safarkan ku baxaya iyo tigidka dalxiiska dayaxa qiimihiisa inta lagu goosanayo, laakiin Musk, maamulaha shirkadda Space X waxa uu sheegay in lacago farabadan ay ku bixinayaan in safarkani uu noqdo mid suuraggal ah, safarkan ayaa la sheegayaa inuu bilow u noqon doono in muwaadiniinta caadiga ah ay safar dalxiis ku aadi karaan dayaxa.

Si kastaba, safarkan ayaa la qorsheynayaa inuu dhaqaaqo 2023, in kasta oo Musk uu diiddan yahay inuu waqti go’an uu u qabto.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close