WararkaWaxbarashada

Canugga Jirran Iyo Iskuulka.. 5 Talo oo Ku Aaddan Habka Go’aan Qaadashada Ugu Wanaagsan

Intadan waxaan ku wareernaa sidii aan waxyeeli lahayn markii uu canuga yar jirran yahay ma guriya ayaa lagu baxnaaniyaa mise iskuulka ayaa loo diraa si aaney duruus badani u dhaafin.

Hadaba, si aad go’aanka saxda ah u gaarto waxaa habboon inaad tixgelin siiso qodobaddan hoos ku xusan oo kaa garabsiineysa go’aanka saxda ah inaad qaadato.

1. Haddii heerkulka ilmaha yar uu ka badan yahay 37,7 C maalintii, habeenkiina uu ka badan yahay 38,2 C; markaa waxaa waajib noqoneysa inaan ilmaha yar iskuulka loo dirin.

2. Haddii duufka ilmaha yar uu yahay mid cagaar ah, waxaa jira caabuq, waxaa habboon inaanuu iskuulka aadin oo dhakhtar la geeyo.

3. Haddii ilmaha yar uu shubmayo ama uu matagayo waxaa waajib ah in guriga uu joogo, iyadoo la siinayo daawooyinka ku habboon.

4. Haaddii isha ilmaha yar ay guduudan tahay, xafajana ay leedahay, waxaa waajib ah in guriga lagu hayo iyadoo daawooyinka ku habboon la siinayo.

5. Haddii ilmaha yar jirkiisa ay finan ka soo yaacaan, waxaaa waajib ah in guriga lagu hayo illaa laga baarayo waxa sababta u ah ee cilladda keenaya.

Si kastaba, haddii ilma yar uu Labo maalmood ka badan uu iskuulka ka maqnaado waxaa waajib ah in la garab siiyo si uu uga soo kabsado duruustii dhaaftay, arrintaasi waxey ka garabsiineysaa inuu iskuulka si wanaagsan ugu laabto oo laqabsi la’aan dhow lagaga dhowrsan karaa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close