arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ilma yar oo Muddo 3-sanno ah Ku Ciyaarayay Bam Guriga u Yaallay

Booliska Magaalada Suzhou ee dalka Shiinaha ayaa shoog ay ku noqotay kadib markii ay ogaadeen in bir canug yar uu ku ciyaarayay muddo 3 sano ah ay tahay bam dhab ah oo waxyaallo daran ilbriqsi kasta geysan karta.

Sida uu qoray website-ka “toutiao.com“, Booliska waxaa u caddaatay in qoyska uu ka warhaayay arrinta!, ayeeyo ka tirsan qoyska ayaa heshay xilli ay geedo ku tallaaleysay beer ay ka shaqeynaysay, aragtideeda wax dhibaato ah ulama aaney muuqan, sidaa darteed guriga ayay kaga tagtay si ay caruurta ay ayeeyada u tahay ugu ciyaaraan.

Ayeeyadan ayaa bilowgii hore fududeysatay khatarta bamkan ka dhalan kata, kumana aaney farxin in ciidanka uu arrintan soo farageliyo, Booliska ayaa u yeeray khubaro bambooyinka furfurta, khubaradii loo yeeray waxey xaqiijiyeen in ilbiqsi kasta ay ku qarxi kartay, khasaaro daranna ay u geysan kartay dadka ka ag-dhow.

Maandeeq FM

Related Articles

Close