WararkaWaxbarashada

Cudur “Halis” Ah oo Soo Gabagabeeyay Nolosha Madaxweynihii Vietnam

Madaxweynihii Vietnam Trần Đại Quang, ayaa Subaxnimadan Jimcaha ah u geeriyooday cudur khatar ah, iyadoo da’diisu ay sii caga-gaceynayso 61 sano jir, waa sida uu sheegay Telefishinka Qaranka dalkaasi.

Telefishinka Vietnam ayaa yiri, Trần Đại Quang, waxa uu subaxa jimcaha ah ku geeriyooday isbitaalka, kadib markii uu muddo la dhibaatoonayay cudur “khatar” ah.

Sida uu telefishinku sheegay, madaxweynaha ayaa geeriyooday iyadoo ay jirto in loo sameeyay dadaallo farabadan oo dhakhaatiir maxalli ah iyo kuwo caalami ah ay u galeen sidii ay u badbaadin lahaayeen.

Baarlaamanka Viatnam ayaa April, 2016; doortay Trần Đại Quang, oo ka tirsanaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Shuyuuciga ah.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close