WararkaWaxbarashada

Dhacdo Ugub Ah.. Ardayad Fasal Gudihii Lagu Dhex Dilay Magaalada Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho fasal gudihii lagu dhex dilay ardayd dhiganeysay jaamaacadda Soomaaliya faraceeda Baar Ubax.

Aamina Xuseen Xasan, ayaa lagu dhex toogtay gudaha fasalka waxbarasho, xilli ay dhiganeysay waxbarashada xiisaddiina ay u socotay, 2 nin oo hubaysan oo afku u duuban yahay ayaa gudaha jaamacadda soo galay, kadibna waxey ku dhex toogteen ardayadda oo aan la ogeyn sababtii ay ku beegsadeen..

Waxaa la sheegayaa in goobta ay soo gaareen ciidanka dowladda, inkasta oo dableydii dilka geystay ay ka baxsadeen goobtii ay Aamina ku dileen.

Si kastaba, dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli 3 cisho ka hor magaalada Muqdisho ay ku dhimatay gabar yar oo 9 jir ah oo dhiganeysay iskuulka Hoyga Xamar oo ku waxyeellowday xabbado ay is-dhaafasadeen ciidamo soo kala horjeeday, dhacdadaas oo murugo badan ku abuurtay bahwada waxbarashada.

Maandeeq FM

Related Articles

Close