WararkaWaxbarashada

Maxey Ka Wadahadleen Wasiir Goodax Iyo Hay’adaha Taageera Waxbarashada Soomaaliya

Wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullahi Goodax Barre, ayaa magaalada Nairobi kulamo kula qaatay xubno kala duwa oo ka tirsan hay’adaha taageera waxbarashada Soomaaliya.

Sida ay qortay wakaaladda Wararka ee SONNA, Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa la kulmay Mr. Kevin Smith, Ms.Rina Dhalal iyo Dr. Iimaan Yarow oo ka tirsan hay’adda USAID iyagoo ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa ka mirodhalinta mashaariicda waxbarasho hay’addu ay Soomaaliya ka waddo.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu la kulmay Phuong T Nguyen oo ah madaxa qeybta waxbarashada ee UNICEF ee Soomaaliya, iyagoo ka wadahadlay mashaariicda waxbarasho ee UNICEF ay kala shaqeyso dowladda.

Wasiirku Goodax, waxa kale oo uu magaalada Nairobi kula kulmay xubno uu hoggaaminayay Mr. John Randa oo ah u qeybsanaha Bank Adduunka ee Soomaaliya iyo madaxa mashaariicda Geoff Handley oo ay ka wadahadleen fulinta mashaariicda Waxbarashada.

“Waxaa sidoo kale Nairobi kula kulmay xubno ka socda Bangiga Adduunka oo uu hogaaminayo Mr, John Randa ku simaha u qeybsanaha Banka Adduunka ee Soomaaliya iyo madaxda mashariicda Geoff Handley, waxaan ka wada hadalnay, Mashruuca RCRFka oo ka taageera dawlada dhanka mushaarka shaqaalaha dawlada sidoo kalana waxbarashada iyo caafimaadka ka taageera dhanka bixinta gunooyin macalimiinta iyo xirfadle yaasha caafimadka,mashruucan waxa uu taageeraa in kabadan 2,000 oo macalin oo ku kala sugan Puntland, 300 ,Jubaland, 300 Banaadir iyo 900 oo kale oo u qorshaysan sadexda dawlad goboleed ee kale, sidoo kale waxa uu ka shaqayn doonaa taakulaynta gunada macalinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa mushaarkooda iyada oo macalimiinta la qiimeyn doono,  iyo dhanka xogta waxbarashada sidii loo hagaajin lahaa”ayuu yiri wasiir Goodax.

Si kastaba, Wasiir ayaa xubnaha deeqbixiyayaasha u sheegay in wasaaradda waxbarashada ay dadaal ugu jirto sidii ay ahmiyadda koowaad loo siin lahaa waxbarashada islamarkaana loo kordhin lahaa miisaaniyadda dowladda ee dhanka waxbarasahda loona gaarsiin lahaa inta u dhaxeysa 7% ilaa 10% sanadka 2019.

Maandeeq FM

Related Articles

Close