WacyigelinWararkaWaxbarashada

10 Caado oo Fudud oo Noloshaada (Muddo Labo Sanno) Ah Wax Badan Ka Bedeli Kara

Arrimaha lama filaanka ah noloshaada is-bedel weyn kuma sameeyaan, inta badan, laakiin caadooyinka fudud oo aan dadaal xooggan u baahneyn ayaa is-bedel baaxad weyn ku keeni kara noloshaada.

Joornaalka “Forbes” ee dalka Mareykanka kasoo baxa ayaa jimcihii soo bandhigay, caadooyin farabadan, kuwaas oo is-bedel baaxad leh ku sameyn kara noloshaada, muddo sanad iyo labo ah gudahdood, laakiin shardiga ku xiran uu yahay in fulintooda aad hadda ka bilowdo si joogta ah oo hor-u-socod leh aad ugu dhaqanto, caadooyinkaa waxaa ka mid ah:

  1. Qor hal-baaragaraaf oo kaliya: Haddii aad qorsheynayso inaad buug qorto, qorshe shaqo aad sameynayso ama aad qoraallo ku faafineyso Baraha-bulshada, ku dadaal inaad si maalinle ah u qorto, isku day in qoraalkaagu noqdo mid gacmeed, iskuna day inaad si degdeg ah u qorto adigoon is dhibin, laakiin waxaa waajib ah in tallaabada koowaad aad qaaddo, si maalinle ah aad ugu dhaqanto..
  2. Ku Dhakhso Ka Jawaabista Fariimaha: Haddii qofi farriin kuu soo diro si degdeg ah uga jawaab, arrintaa waxaad kaga badbaadaysaa inaan farriimihu iskugu kaa biirbiirin oo hadhow si aad uga jawaabto aad garan weydo.
  3. Xiriir badan Samee: Waxaa dhici kara inaadan farriimo wanaagsan ka helin dadka kale marka aad isku dayayso inaad doodo la sameyso, waxey u badan tahay in xiriiradaa aad dadka kale la sameynayso aad wax badan ka hesho oo wanaagsan, marka aad shaqo doonka tahay ama howlo kale uga baahan tahay.
  4. Xisaabtaada Bankiga dhaqdhaqaaqeeda la soco: Dadka qaar arrintan wey la yaabi doonaan, laakiin waxaa habboon ugu yaraan mar inaad eegto maalintii xisaabtaada bankiga kuu taalla si aad u ogaato dhaqdhaqaaqa.
  5. la-falgalkooda yaree: Marka aad la kulanto arrimo ku dhibaateeya ama ku caro gelya, isku day inaad ka dheeraato.
  6. Baahiyaha jirkaaga ogow: Waxaa hubaal ah inaadan aalad ahayn. jirkaaga xoogaa daryeel ah ayuu u baahan yahay, marka aad gaajo dareento, raashin fiican qaado, marka aad daashana nasasho wanaagsan samee.
  7. Xeerka 5 ilbiriqsi: xeerkan waa mid aad u ballaaran dhanka nolosha, waxaa la tilmaamayaa marka uu raashin dhulka kaaga dhaco 5 ilbiriqsi gudaheed haddii aad ku qaadato wax jeermis ah ma soo raaco, dhanka kale, sidoo kale marka aad go’aan qadanayso waxaa jira in xeerkan la adeegsado, shaqadu waa fikir joogto ah oo go’aan qaadasho degdeg ah u baahan.
  8. Akhris badan samee: Akhrisku marwalba uu faa’iido badan yahay, waxaa dhici karta in waqti iyo lacag inta aad u baahan tahay si aad buugaag u iibsato una akhrisato, iskuday inaad maqaal wargeys akhriso ama baraha-bulshada aad ka dheehato.
  9. Biyo badan cab: khubarada caafimaadku waxey ka hadlaan muhiimadda ay leedahay in 8 koob oo shaah ah maalintii la cabbo, dad badan ayayse arrintani ku adag tahay, marka aad la qabsato noloshaada ayuu ka mid noqonayaan.
  10. Fikradahaaga dadka kale la wadaag: Inaad fikrado leedahay waa arrin wanaagsan, laakiin meel cidlo ah ayay ku baaba’aysaa haddii marka aad dadka kale la wadaagi weydo, gaar ah kuwa ka mirodhalin kara.

Maandeeq FM

Related Articles

Close