CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Cudurrada Faafa Kan Ugu Khatarta Badan oo La Daahrogay

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa u aqoonsaday cudurka Qaaxada inuu yahay kan ugu khatarta badan cudurrada faafa, waxeyna ku baaqday in tallaabooyinka ku habbooneyd laga qaato daaweyntiisa.

Bayaan uu ururku soo saray oo lagu faafiyay barta internet-ka, ayaa lagu yiri; iyadoo ay jirto dadaallo caalami ah oo lagu bixinayo sidii cudurka lagu xakameyn lahaa faafitaankiisa; ayaa hadana sanadkii 2017 oo qura, waxa cudurka qaaday 10 milayn oo qof, waxaana u geeriyooda 1.6 milayn oo qof.

Ururka ayaa sheegaya in dadaallada caalimiga ah lagu badbaadiyay 54 milyan oo xaaladood, laga soo bilaabo 2000, halka dadka cudurka qaada uu hoos u dhac ku yimid 2% sanadkii.

Iyadoo dadaalladaa la galay ayaa hadana cudurku uu yahay kan ugu khatarta abadan, waxa uu ka sare maray HIV Aids.

Sida WHO ay sheegayso, mushkiladda ayaa ah in cudurku uu adkaysi u yeelanayo daawada oo aan waxba ka tareyn.

Khubarada WHO, waxey ka digeen, in Afartii qof mid ka mid ah uu yahay qof suuraggal ay tahay inuu cudurka qaado.

Maandeeq FM

Related Articles

Close