arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Dil Argagax Badan oo India Gilgilay.. Jacayl, Guur iyo “Dabaqad La Faquuqo”

Dil loo geystay Pranay Kumar oo naftu ay ka baxday isagoo ku jiifa labada gacmood ee xaaskiisa Amrutha Varshini oo caloosha ugu sidday ilmo yar oo 5 bilood jir ah.

Dilaa loosoo kireeyay ayaa faash(masaar) madaxa kaga dhanbalay isagoo ka soo dagaya jaranjarada isbitaal ku yaalla gobolka Thilangana State, ee Koonfurta India.

Dilkan ayaa dhacay September 14, xilli uu Pranay uu isbitaalka u kaxeeyay hooyadii oo dhabarka ka xanuunsaneysay, markii ay albaabka isbitaalka ka soo wada baxayeen ayaa dilaaga uu madaxa Pranay ku garaacay faash illaa uu dhulka kaga dhaco, kama aanuu dayn illaa uu mayd ahaan uga tagay.

Qisada Jacaylka iyo kala sarreynta dabaqadaha

Pranay iyo Amrutha jacaylkoodu waxa uu soo bilowday xilli ay wada dhiganayeen dugsiga sare oo ay isku barteen. Amrutha 21 jir ah waxey ka soo jeeddaa qoys ladan oo taajiriin ah, halka Pranay oo 24 jir ah uu ka soo jeeday qoys dabaq hoosayse ah oo aad loo liido.

Iyadoo kala duwanaashiyahaa dabaqada uu jiro ayaa hadana jaceylkoodii uu ka guuleystay waxwalba oo kale, waxaaney aqal galeen 2016.

Aabaha gabadhan dhalay si kastaba, arrintu wey u cunami weyday inuu wiilka dilo oo nafa uu dhaafiyo mooyaane wax kalena wey u muuqan waayeen, Amrutha waxey tiri: “Aabahay ayaa ninkeyga dilay, maxaa yeelay; isku dabaqad kama tirsanin.”

Booliska ayaa qabtay aabaha Amrutha iyo 6 qof oo kale oo qoyskeeda ka tirsan, waxeyna sheegeen in lacag ku dhow 138 kun oo dolar loo adeegsaday dilka oo saddex jeer oo hore lagu fashilmay.

Dilkan ayaa dadku aad uga gilgisheen, boqolaal qof oo ka caraysan ayaa soo qaatay boorar ay ku canbaareynayaan, iyagoo tacsi u gudbiyay qoyska Pranay uu ka geeriyooday.

Maandeeq FM

Related Articles

Close