arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Miig F16, Gaari Formula 1 ah iyo Mooto Tartan uu Ku Dhex Maray Airport-ka Istanbul ee Cusub..Natiijada Taranka oo Lama Filaan Noqotay (Muuqaal)

Runway-ga Airport-ka Casirga ah ee magaalada Istanbul ayaa waxaa ku tartamay mooto nooca Kawasaki HDR, gaariga tartamada xawaaraha Formula 1 iyo miig nooca F16, diyaarad kale oo gaaar ah iyo tiro gawaadhi kuwa sports-ka ah. tartan layaab badan oo natiijadii ka soo baxdayna ay noqotay mid lama filaan ah.

Sida ay sheegtay jariidada Daily Sabaha ee dalka Turkiga laga leeyahay, Jimcihii, September 21, 2018, tartanka ayaa waxa uu ka mid ahaa dabbaaldagga TEKNOFEST ee magaalada Istanbul ee teknoolojiyadda duulimaadka iyo cirbixinta, kaas oo ay soo qabanqaabiso dowladda hoose ee magaalada Istanbul iyo kooxda teknoolojiyada Turkiga.

Mooto-yaqaanka reer Turki Kenan Sofuoğlu oo dhowr jeer horey ugu guuleystay koobka adduunka ee mootooyinka ayaa mootada hoggaaminaya, halka miigga F16 uu waday xubin ka tirsan kooxda xidiga ah ee bandhigyada u qaabilsan ciidanka cirka Turkiga.

Natiijada tartanka ayaa lama filaan noqotay, kadib markii uu kaalinta koowaad ku guuleystay mootadii uu waday Kenan Sofuoğlu, waa sida uu muujinayo muuqaal laga soo duubay tartanka.

Kenan Sofuoğlu, guushiisa kadib hadlay ayaa yiri: «Waxaan aad ugu faanayaa guushaa aan gaaray», isagoo tilmaamay in ka badinta gaariga Formula 1 ay ahayd mid aad u dhib badan, isagoo intaa sii raaciyay in xawaaraha miigga F16 marka uu dhulka ku socdo uu aad uga xawaaro yar yahay marka uu hawada ku duulayo, sidaa darteed in uu ka guuleystaa ay u fududeyd.

Airport-ka Istanbul ee casriga ah ayaa la aamisan yahay inuu ka mid yahay Airports-ka ugu waaweyn adduunka, waxa uu ku fadhiyaa dhul badkiisu dhan yahay 76.5 milyan oo mitir oo iskuweer ah, waxa uu ku yaalla waqooyiga Istanbul, isagoo dhex bartamaha magaalada ka fog 35 Km, waxaa ka howlgalay ka shaqeyntiisa illaa 100-kun oo shaqaale oo iskugu jira kuwo waqti full-time iyo mid part-time ah, waxaana la filayaa in albaabada loo furo October-ta soo aaddan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close