WararkaWaxbarashada

Somaliland: Culumada oo Si Adag Uga Hor Yimid Xeerka Kufsiga

Culumada Somaliland ayaa si adag uga horyimid xeerka kufsiga Somaliland oo ay sheegeen inuu hareer marsan yahay Shareecada Islaamka oo ay waajib tahay in lagu dhaqmo.

Sheekh Aadan-siiro Ayaa khudbaddiisii Jimcaha kusoo qaatay qodob uu xeerkan uga hadlayo isagoo sheegay in ku dhaqanka shareecada Islaamku aanuu lahayn doorasho istiraatiijiyadeed oo ay waajib tahay in lagu dhaqo:

“Waa dhacdo ku cusub taariikhda Somaliland in institution-kii dalkan uu lahaa badhna ay yidhaahdaan waa sax, badhna ay yidhaahdaan waa khalad, Shareecada islaamka in lagu dhaqmo waa waajib.”

Dhanka kale, Sheekh Maxamed Cumar Dirir, ayaa dhankiisa si faahfaahsan uga hadlay xeerkan iyo aafooyinkiisa gaarka ah ee uu xambaarsan yahay, waxaa hadalladiisii ka mid ahaa:

“Nimankii sameeyey xeerkan waxay ku bilaabeen in xeerku waafaqsan yahay shareecada islaamka, mana waafaqsana, oo way ku been-abuurteen Ilaahay, qodobka Saddexaad ayaa sheegaya; Xeerkani waxa Sinnada la yidhaahdo uma aqoonsana sida sharciga diintu u taqaano, waxey sinnada u yaqaaniin marka qofka la khasbo, sidii Gaalada, laba nin hadii ay is-fuulaan, laba naagood hadii ay is-fuulaan, nin iyo naag hadii ay kala sinnaystaan oo is-ogol yihiin Sinno lama yidhaahdo. Markaa dadyahow hadaad is-ogoshihiin dhankaad doontaan u ridda ayey ka dhigan tahay.”

Culumada-waaweyn ee Somaliland ayaa intooda badani ay ka hadleen xeerka, waxey sheegeen inuu si toos ah uga horimaanayo ku dhaqanka shareecada Islaamka, in kasta oo warar Khamiistii soo baxayay ay sheegayeen in wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta iyo madaxweynaha Somaliland ay ku heshiiyeen in dib loogu laabto xeerka kufsiga.

Si kastaba, Wasaaradda arrimaha haweenka iyo xuquuqul-Insaanka ee Somaliland ayaa soo diyaarisay xeerka kufsiga iyo ciqaabta tacadiyada jinsiga oo ay ugu talagashay in lagu dhaqangeliyo bulshada.

Maandeeq FM

Related Articles

Close